Wasiiradda
Maaliyada iyo Ganacsiga oo u caraabay Dalka Jabuuti iyo dareenada ku
xeeran safarkooda

Hargeysa (TNN) Wasiiradda Maaliyadda iyo Ganacasiga Somaliland
Maxamed Xaashi Cilmi iyo C/risa aq Khaliif Axmed oo uu wehelinayo
sarkaal ka socda Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa shalay galabn
imadii u caraabay dhinaca Dalka Jabuuti halkaas oo ay ku qaabileen
Wasiiro reer Jabuuti ahi. Kuwaasoo kala ahaa Wasiirul dawlaha
wasaarada maaliyada Jabuuti u qaabilsan Miisaaniyadda Cali Siciid,
Wasiirka Khasnada, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Cabdi Ashkir oo
ka mid ah saraakiisha wasaarada maaliyada.
Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi oo markii uu
gaadhay Jabuuti madaarka ugu waramayay Saxaafadda ayaa sheegay in
socdaalkoodu qaadan doono muddo sadex maalmood ah isla markaana ay
kulamo kala duwan la yeelan doonaan Wasaaradaha dalka Jabuuti.isagoo
tilmaamay socdaalkoodani in uu ka dhashay marti qaad rasmi ah oo ay
ka heleen dawlada Jabuuti.
Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Md. C/risaaq
Khaliif Axmed, ayaa isaguna uga mahad celiyay masuuliyiinta
wasaarada maaliyada ee soo dhaweeyay waxaanu sheegay in
socdaalkoodani uu qeyb ka yahay iskaashiga labada dal.
Inkastoo ay labada Wasiir sidaa ku macneeyeen Socdaalkooda hadana
waxa ay sheegayaan warar ka aanu ka helayno safarkaasi inuu ka
dhashay Codsi ka tagay dhinaca Somaliland kaasoo ay Xukuu madda
Jabuutina aqbashay, ilaa hadana ma jiraan kulamo rasmi ah oo ay
labada dhinac wada yeesh een marka laga reebo Casho sharaf xalay ay
labada dhinac yeesheen mooyee.
Hase yeeshee waxa ay wararka hoose ee laga helayaa sheegayaan in
ujeedada socdaalkoodu la xid hiidho sidii ay dhaqaale u weydiisan
lahaayeen dalkaasi maadaama hoos u dhac weyni ku yimi Miisa aniyadii
ay Xukuumadda Somaliland ku talo gashay, waxa sidoo kale la filayaa
inay labada dhinac ka wada hadlaan arrimaha dhinaca Ganacsiga oo ay
ugu weyn tahay ta shidaalku maadaama Somalila nd ay ka jirto
shiidaal la’aan iyadoo Markabkii la filayayna ay Budhcad badeedu
Af-duubatay
Source:Waaheen
|