Wasiirada xukuumadu malaha aamusnaanta
ayay ku roon yihiin

 

Waxaan la yaabanaa hadalo badan oo ka soo yeedhay wasiirka kaluumaysiga iyo dekedaha oo  mu ran dhalliyey, waxaan kale oo aan maqalyey wasiirka duulista iyo gegooyinka diyaaradaha oo  isag ana hadalo ka duuleen muran dhaliyey. Haatana, hadalaka ka soo yeedhay wasiirka shaqada iyo  s haqaaluhu, isna wuxuu daaran yahay shaqaalihii dawlada waan u soo abtiriyoo kuma jiraan Sool  i yo Sanaag. Hadalkaasi waa hadalkuu odhan lahaayeen xildhibaanadii laga soo doortay Sool iyo  Sa naag. Iyaga ayay u soo wakiisheen in ay xuquuqdooda u soo dhiciyaan.

Wasiirka Madaxweyne ayaa magacaabay, waxaa la siiyey waajibaad iyo qorshayaal in uu fuliyo  la ga doonayo. Waxaa la yidhi beel iyo gobol midna laguma cugan, tayo ayaa lagu cuganayaa. Gobola dii iska waayey heekalka dawladu way ku qanceen. Sidaa daraadeed wasiiroo beelaha oo dhan  dh exbaad u tihiin. Hadalka wasiirka shaqadu wuxuu ahaa shaqada dawlada waxaa lagu gelayaa tayo iyo imtixaanaad xaqaani ah oo aan cidna la takooreen, cidna loo sedburineyn.

Wasiirka wasaarada iyo shaqadu cilmi baadhista dheer ee uu ku soo ogaadey in shaqaalaha  dawl adu dhinac ka rarayahay waxaa ka haboonayd in uu ku soo ogaado heerka tayadooda iyo daacadnimadoodu taagan tahay.

 

 

 

 

 

Hamud Duale