Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada Sam-Sam Cabdi Aden
Waxay Ku Sifowdey Karti,Aqoon Iyo Daacad nimo,Waxaney
Mudantahay Ku Dayasho
Diinteena ayaa ina faraysa in aan u mahad celino qofka
wanaag ku sifooba rag iyo dumarba isla markaasna........
Diinteena ayaa ina faraysa in aan u mahad celino qofka
wanaag ku sifooba r ag iyo Dumarb a, islamarkaasna wixii
bulshada faaiido u leh ee uu qofkaasi ku dhiirado ay
muddan tahay in ay Masuuliyiinta kalena ay kaga
daydaan,Xukuu maddan uu gadhwadeenka ka yahay Madax weyne
Axmad Maxamed Maxam ud Siilaanyo,Golihiisa Wasiiradda
waxa ka mid ah SHAQSIYA AD ay bulshada Maskaxdooda raad
weyn ku sameeyey,kuwaasoo muddo dheer lagu xasuus an
doono Kartida Dedaalka iyo daacadnimada ay u muujiyeen
DADKA IYO DA LKABA, SHAQ SIYADDA wanaagsan ee xilkii loo
igmadey Sidii larabay uga soo baxdaa,waxay kor u qaadey
karaamaddii QARANKA,islamarkaasna ciddii soo
magacawdeyna Sharaf iyo karaamo ayey u yeeshay.
Kaalinta
ay haweenku kaga jiraan Horumarka Dalku maaha mid maqaal
iyo laba la gu soo ko obi karo,dhinac kasta oo aad nolosha
ka eegtaba waxad arkaysaa kaalinta Shariifk a ah ee ay ku
leeyihiin Haweenku,Marka xil gaara loo igmadana waxa aan
shaki ku jirin in ay dedaal iyo kartiba dheer yihiin Rag
badan oo wax is bidayey,waxa tusaale la taaban karo
in oogu f ilan,Wasiiradda Wasaaradda Waxbarashada Marwo
SAMSAM CABDI AADEN oo muddadii ay xilka Wasaardda
Waxbarashada ay haysey muujisey waxqabad aan horey loogu
arag RAGII uga HOREEYEY ee Wasaaradda soo maray,waxa
iyana xusid muddan kormeeradda isdaba jo oga ah ee ay
Goboladda iyo Degmooyinka DALKA ay habeen iyo maalinba
ku gaalaa baxays o.
Waxa intaasi dheer iyada oon ku
koobneyn kaliya dhinaca shaqada Wasaaradeeda oo
kaliy a,balse aad arkeyso iyadoo ku mashquulsan Arimo
kale oo la xidhiidha xallinta khilaafaadk a bulshada
dhexdeeda iyo dajinta arimaha xasaasiga ah ee mararka
qaarkood dhexmar a xuk uumadda iyo bulshada,waxa xusid
muddan dhacdadii u dambeysay ee ka dhacdey Gob olka
Gabiley ee la xidhiidhey Mudaharaadkii ay sameeyeen
ARDEYDA DUGSIGA HOOSE DHEXE EE SH MUXUMED WARSAME iyo
sida xikmaddu ku jirto ee ay u soo afjartay,inagoo og
haddii ay soo fara galin lahaayeen Wasiiro gobolka
sheegta qaar kamid ahi ay xaaladdu faraha ka sii bixi
lahayd,balse inantan oo ku sifowdey karti iyo daacadnimo
ay ku guulaysatay in ay si fu dud u soo afjarto
khilaafkii,qofkuna haddii uu wax kasta oo uu qabanayo ay
ka muuqato Da acadnimo iyo caddaaladi ilaahay ayaa u
fududeynaaya,laakiin haddii uu qofku ka tago Daac adda
kuna dhaqmo hebel ku xummee ilaahay ayaa garabkiisa ka
baxaya wax uu xalliyo daa ye Baadrool ayaa lagu sii
shubaa,sidaa darteed waxa looga baahanyahay Wasiiradda
iyo cid kasta oo xil u haysa UMMADDU in ay ku sifoobaan
DAACADNIMO IYO CADDAALAD,waxan ku soo gunnaanadayaa
hadalkaygan WASIIR SAMSAM waxay mudan tahay ku dayasho
Magac aabistii Madaxweynahana wey ku bannaantahay.
wabillaahi towfiiq
By: MUSTAFA SH ABIBAKER HUSEIN
TOG-WAJALE TEL: 446-6752
|