WASIIR XIRSOW MA ADKID EE WAX
KAA JILICSAN AYAAD HESHSY!!!!!
Shalay waxa la daawaday khudbad uu akhriyaayey nin aan xaq u lahayn,
waxuu ka hor akhriyey Golaha Dhegeysiga iyo Sacab Tunka. Waa
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi oo Gola hi ilaalin lahaa sharciga iyo
nidaamku ka oggolaaday inuu isagoo Madaxweyne ah u jeedi yo khudbad.
Ayaan darro waxay tahay lama odhan aasha soco oo intaad u
xilsaarantay nooga waran ee dhegtey wada taageyn. Waxa nasiib darro
ah in Golaha uu hoggaminaay o nin sugaaya inuu Madaxweyne u tartamo,
haddana ku fashilmay hoggaminta Golaha.
Xirsi kol kalay Shir guddoonku ma joojin mey sixin mey odhan ku eekow
suáasha waabuu qoslaayey, looga taag waayo Cirro inuu iska qosol
meel looga baahan hal
adeeg iyo nidaa m dejin.
Kolkuu aflaagaadeenayey Xildhibaan Buuba ee uu weliba si toos ah u
duray Mucaaridada CIrro, wuu iska qoslaayey, halka waajibku ahaa
inuu yidhaahdo jooji aflagaadada oo ku eekow Suáasha. Golaha ayaa
xaq u leh su'aalaha, wasiiraduna waxa laga raba inay Jaw aab run ah
sheegaan, hadday ku cadaato inay been sheegeena waxa waajib ah in
dacw ad maxkamadeed la hor geeyo. Nidaam ahaan qofku kolka uu Golaha
horjoogo waxuu la mid yahay nin maxkamad horjooga.
Yeelkeede..waxuu Xirsi idhi sidan kolkuu Buubaa u jawaabaayey...
“waxaa intii aad WADANI gashay ii muuqatey in mucaaradaadu kugu
badan tahay ,ma markii aad UCID ahaan jirtay ayaad mucaaridada
ilowday?,waxaan ku dhan lahaa odayga WADANI ( Cabdiraxmaan Cirro)
macaamiisha ha ka eryine ee mucaaridaada miyir u yeel.
Hadalkaasi ma ahayn mid laga aamuso, waxay ahyd inuu Shirguddoonku
siiyo fursad Buub aa uu ka dabo qaato hadday joojin waayeen
xadgudubka
Xirsi.
Waxu is yidhi ka jawaab Su'aasha Buuba..isago hadal is burinaaya oo
caddaynaaya aragti diisa gaaban iyo sida beentu u gaabiso ayuu yidhi
sidan:
Isagoo wasiir Xirsi hadalkiisa sii wata wuxuu intaas ku daray “
xilka lay ansixiyey ee wasi irka madaxtooyada ayaan hayaa,haddiise ay
iskaga khaldantay hogaaminta iyo maamulk u ,way kala duwan yihiin oo
hogaamiyuhu waa madaxweynaha qaranka ‘aniguna hawl-maalmeedkiisa oo
dhan ayaan uga shaqeeya,hadayse kugu cusub tahay oo aad carabka ku
balaadhisey xilkaagu wuu ka balaadhan yahay intaas,waxa la yidhi
qofkahogaamiyaha ah ayaa jagada sameysta ee jagadu qofka ma
sameyso”,taas oo wasiir Xirsi uga jeeday inuu awoodaha faraha badan
isagu sameystay.
Bal dib u akhri waxuu ina leeyahay Madaxweynahu hoggaaminta ayuu
leeyahay ana Maa areeye ayaan ahay..haddana waxuu halka danbe ka
yidhi qofka hogaamiyaha ihi isagaa jagada sameysta ee jagadu qofka
ma sameyso...oo waxa uu markiiba buriyey
halkuu lah aa waxaan ahay Maareeye keliya..waxuu qirtay inuu
Hoggaamiye yahay oo ah inuu isago hayo xilkuu Madaxweyne Siilanyo
loo doortay. Qiraal dambe oo hadhay ma jiro.
Waxa maaanta la gudboon Golaha Dhegeysiga iyo Sacab Tunku inuu tooso
oo uu noqdo Golaha Sharcidejinta oo uu talaabo ka qaado arrintan.
Waa inuu u qoraa Madaxweynaha in la caddeeyo cidda awoodda
hogaaminta siisey Xirsi. WAANA IN MADAXWEYNAHA LAGU SOO OOGAA INUU
HAWSHIISA WADI KAREYN OO CID KALE KALE WAREEGTAY.
Xirsi oo cadho iyo calool xumo ka muuqata, wuu qarin kari waayey
aargoosiga iyo naxliga qalbigiisa jiifa kolkuu Xildhibaan Baar wax
ka weydiisey arrintii xadhiga gabadhi u xidhnay d text ay u soo
dirtay. Waxuu ku adkeystay inuu sii wado aflagadada gabadha iyo inuu
haweenka oo dhan meel kaga dhacay isagoo u arkaayey xildhibaanka qof
ka duwan oo ka hooseysa ragga xildhibaanada ah. Waana mid ku tuseysa
fikirka uu ka qabo haweenka. Taassna wuu ka aamuusay Shirgudoonka
Qosalka
badani oo qosalbaa ka muuqday.
Waa tan hadalkii Xirsi ee bal akhriso oo u fiirso fikradaha
qalbigiisa ku duugan:
Su’aal kale oo ay weydiisey xidlhibaan Baar saciid ayaa iyana ka
damqaday,waxayna u dh ignayd “had iyo jeer waa la hadal hayaa
xukumada iyo cida kursiga fadhiisata,waxaa dha cday in inan la
yidhaahdo Nadra Maxamed Jaamac oo la yidhi wasiirkay wax ka sheegtay
aad xidhay, maxay inantaasi kaga duwan tahay Raga wargeysada wax ku
qoraya ee TV-yada ka hadlaya mise waxaa kugu jira nacayb Dumar?.
Wasiir Xirsi wuxuu sheegay in Nadra Maxamed Jaamac oo uu
dacweeyay,xidhayna ay afl agaadeysay,kuna kacday fal fawaaxish ah oo
aanu ka filayn in xildhibaan Baar wax ka we ydiiso (Difaacdo) oo aan
ahayn wax haween ku kaco...masuuliyad ayaana I faraysa inaan qofka
caynkaas u dhaqmaya inaan sharciga horgeeyo si uu ugu edebsado,
Baarna waxaa n leeyahay haweenka ayay ahayd inay anshaxa ku
dambeeyaan.
Kaligay umay soo dirin fawaaxishada ee waxay u dirtay Madaxwaynaha,
Madaxwayne ku xigeenka iyo Marwada koowaad, waana la heli karaa
iyadda oo qoraal ah oo shirkadihii soo caddeeyeen”
Arrinkii dhammaadeynay dib ayuu u furay oo waxuu inoo sheegey maanta
in Texta uu ke ligii ku dacweeyey loo diray Madaxweynha, Afada
Madaxweynha iyo waa arrin cusub ah Madaxweyne xigeenka. Hadda waxa
kaga filnaa arrintani wey dhammaatay bas. Maxuu ceebta ka wadwadaa
ayuu ku xumeynaya waa yaab..Ninkani waa yaab ee miyaanu dhaq ankeena
lahayn sowtaynu ku dhaqano in ceebta la qariyo. Maxuu ka sheegaya
aflgaada da oo uu xaarka u marmarinaya madaxda kale hadday isaga la
noqotay dacwad maxuu inta kale u sheegaya..yaab iyo yaab.Waa mid uu
iyaga ku ceebeynaayo.
Xirsi qudbadda uu akhriyey waxay taabanaysay dhammaan hawlaha
xukuumadda waxuu ka hadlay xilka ay hayaan Wasiirada Waxbarashada,
Caafimaadka, Macdanta, Gudaha, Dif aaca, Maaliyadda, Arrimaha Debedda
iwm. Waxa su'aashu ahayd inShirguddoonku joojiyo oo ay yidhaahdaan
arrimahaas Wasiiro ayaa u xil saaran oo naaoga waraamaya waxna ka
weydiineyna ee tan kuu gaarka nooga waran. Maxay weydiin Wasiirada
kale. Xirsi ma ra'iisal Wasaare ayey u arkeyn, ma Madaxweyne ayey u
arkeen reer Qoslaaye.. Shir Gud oonow waxaanu idin leenahay Xirsi ma
adka ee idinka ka jilicsan.
Madaxweyne Waan kuu duceeya in Illaahay ku tuso ninkan xilka kaala
wareegey ee maa nta caddeeyey inaanad dalka hogaamin ee uu isagu
yahay hoggaamiyaha dhabta ah. Alle ha ku tuso inaad awooddi laaga
dhacay soo ceshato ood xilka laguu doortay soo ceshato. Aamiiin.
Cabdi Xaaji Axmed
hargeysawi@ymail.com
|