Wasiir Xirsi Dul Buu u Leeyahay Aflagaadooyinka Mare egaha, Taariikhdaana qori doonta waxqabadkiisa

 

 

 

Waxa jira in xiliyaddan dambe ay dalka ku soo badanayaan dad aan si maan-gal ahayn u caadaysta y inay u aflagaadeeyaan Masuuliyiinta qaranka qeybahooda kala duwan. Ha ugu sii darnaado Wasiir ka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay qaar ka mid ah Mareegaha Internet-ku ay si joogto ah ugu soo qoraan bogagooda aflagaadooyin iyo hadallo xasad iyo xiqdi ah oo ay du sha ka mar-marinayaan Wasiirkaasi oo ah nin xukuumadiisa iyo dalkiisaba daacad u ah.

Lama diidana in la is dhaliilo hase yeeshee waxa jirta in dadka qaarkood ah si dhaqan xumo ah u ca adaysteen inay iska xajiimeeyaan Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah nin ay dhalinyaro ah oo ay taa riikhdu qori doonto waxqabadkiisa iyo sida uu uga soo dhalaalay shaqadiisa oo u sameysay aflagaa dooyin iyo cay ay ka faafiyaan dad ujeedooyin kala duwan lihi.

Waxaan leenahay Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu bulshadda Somaliland uu ficil ugu muujiyay in dh alinyaradu ay tahay xoog dihin oo wadanka horumar gaadhsiinaya, waayo maadaama oo uu yahay Wasiirkii ugu yaraa ee soo mara wasaaradda madaxtooyada waxa uu u hawl-galay inuu shaqadiisa ka soo baxo si aanu magac xumo ugu soo jiidin dhalinyaradda, maadaama oo uu yahay nin dhalinya ro ah.

Waxaan qabaa in shaqadda uu hayaa ay u soo jiiday in lagu adyadoodo, lana aflagaadeeyo, hase ye eshee waxa uu taasi u leeyahay dul EEBE ku manaystay, iyaddoo uu 99% afka ka xidho eedaha loo soo jeediyo. Taasina waa asbaabaha ii cadeeyay inuu yahay masuul xil kar ah oo aanay damqaynin fariimaha sumaysan ee mareegaha aan iska shiilin maqaaladdu ay sida joogtadda ah uga baahiyaan.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa afxumo nabad-ba way kaa kaxaysaa, colaadna waxba kaaga ma tarto, sidaas darteed, waxa kooaha Hoonku kaga dhagay Wasiir Xirsi la gudboon inaanay si laf-jab ah isu biyo dhiijin. Waxaana haboon inaynaan burush ceeb leh mar-marin dadka oo diinteenu inaga xaaraantinimaysay in dadka cirdigooda iyo sharaftoodaba aan meel lagaga dhicin.

Cidi ma diidayso in la is dhaliilo laakiin waxay u baahan tahay in xad loo yeelo si shakhsi ahna aan qo f ama masuul loogu tallax tagin.

Wasiir Xirsina Taariikhda ayaa qori doonta waxqabadkiisa oo aan imika in badan oo bulshada ka mid ah u muuqanayn.
Waxaan Wasiirkaasi ku bogaadinayaa inuu halkaasi ka sii wado dedaalkiisa isla markaana aanu dheg u dhigin inta xumaanta faafinaysa ee bulshadda suuska iyo naxliga kala dhex dhigaysa.
 

 

 

 

Siciid Ismaaciil Barre
Burco/Somaliland