Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Oo Ka Qayb Gashay Munaasibad Cusbitaalka
Gabiley Lagu Wareejinayay Ijiin Laydh

Gabiley (TNN):-Munsibad Baladhan oo lagula kala wareegayay
Ijiin Laydh oo Hadia Medical Swiss , ug u Deeqday Cisbitaalka
Gabiley,Munasibadaasi ayaa Waxa kale oo ka soo Qayb galay Wasiirka
Wasar ada Gancsiga Iyo Maalgashiga Soomalind Dr Muuse Qaasim Cumar
Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige, Mayarkii Hore Magalada Gabiley Marwo
Khadra Xaaji Ga ydh, Maamulka Cisbitaalka Gabiley Dr Deeqa Cumar
Xaaji Siciid, Cuqaal Masuuliyiin Sar Sa re oo Ka socday Hadia Medical
Swiss, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Now ee Gabiley Ha weeya Cabdi
Kaahin, iyo Marti Sharafkale oo aad u tiro badan.
Munasibadaasi ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Wasiir ku xigeenka
Wasarada Caafima adka Nimco Xuseen Qawdhan waxayna aad ugu mahad
celisay hadia Medical swiss waxay na wasiirku sheegtay in Cisbtaalka
Gabiley Ku yaalo Meel ay Marto Wado Dheer isla mark aasina Ijiinkani
Laydhku uu Wax badan ka taridoono Howlo Maalmeedkiisa haday tahay
mishiinada Xrayga iyo Haday Tahay Kuwa Tiyaatarka Cisbitaalna
Hadaanu Laydh Hasanin Shaqada uu Qabtaa Runtii Waa Gabaabsi
Cisbitaalkana Waxaan u rajaynayaa hawlihii u qabanjiray inuu ka sii
badiyo.
Maamulka Cisbitaalka Gabiley Dr Deeqa Cumar Xaaji Siciid ayaa Ka war
Bixisay Hadiya Midical swiss Waxyabaha ay ka qabatay Cisbitalka
waxayna Sheegtay inay Hadia Midical swiss labadii todobaad ee ugu
danbeeyay cisbitaalka Gabiley ka Waday sidii ay Dab ugu Helilahayd
Cisbitaalka Waxayna Cisbitaalka ku Deeqday Ijiin laydh oo
Cisbitaalku ku Shaqayn doono Mana aha Markii ugu Horaysay Hadia
Medical swiss Cisbitaalka Wax ugu Deeqdo Balse ay Wax Badan oo kale
Ka Qabatay Cisbitaalka.
Sidoo Kale Waxa Munasibadasi Hadalo Kooban Ka soo Jeediyay Badhasaab
ku Xgeenka Go bolka Gabiley Mudane Cali Cabdi C/laahi (Cali Case)
waxaanu aad ugu mahad celiyay hadi a Midical Swiss Waxaanu Sheegay
inay Ka maamul ahaan ay si Fiican ula Shaqayn doonaa n Waxaanu
Badhasaab ku Xigeenku Hadalkiisa ku daray in cisbitaalka Gabiley
yahay Cisbit aal ku xidhan Bulsho aad u Balaadhan markaa isla
markaana cid kasta oo daryeelkiisa wax ka qabata ay ka maamul ahaan
aad ugu mahad naqayaan.
Mayarkii hore ee Magalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo
iyaduna Munasibadasi Ka hadashay ayaa sheegtay in cisbitaalkani uu
soo maray Marxalado Kala duwan isla mar kaasina ay goob jog u ahayd
balse hada uu maraayo meel aad u fiican islamrkasina uu ku jiro
Cisbitalada ugu Wanaagsan Xaga Gobolada Soomaliland .
Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo isaguna halkaasi ka soo jeediyay
hadalo mahadnaq iyo Dar daaran u badan.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|