Wasiir Xaglo-Toosiye Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Warar Sh eegayey Inuu
Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Isaga Iyo Ma daxtooyada Oo Uu Cadho Ugu
Sii Jeedo Buhoodle
Hargeysa (TNN): – Wasiirka caafimaadka Somaliland,
Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xoglo-toosiye) ayaa waxba kama jiraan ku
tilmaamay khilaaf la sheegay inuu soo kala dhexgalay isaga iyo
mad axtooyadda Somaliland.
Wasiir Xaglo-toosiye ayaa waxa uu sidoo kale deedefeeyey cadho la
sheegay inuu doraad kaga amba-baxay magaaladda Hargeysa, kaas oo
sida ay tibaaxuhu sheegayaan Burco markii uu gaa dhay ay wasiiradda
duulista Maxamuud Xaashi iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal kaga
daba-tage en isla markaana ay soo lad-qabeeyeen.
Wasiirka Caafimaadka oo isagu xalay Wargeyska Haatuf khadka
telefoonka ugu waramay ayaa khilaafkaasi gaashaanka ku dhutay,
waxaanu ku dooay inuu arrimo shaqo oo wasaaradiisa la xidhiidha u
tagay magaaladda Buroc ee xarunta gobolka Togdheer, kaas oo xussay
inaanu wax cadho ah u tagin halkaas, isaga oo arrimahaasi ka
hadlayana, waxa uu si kooban u yidhi “Waa waxba kama jiraan warkaasi
ma jiro khilaaf noo dhexeeya aniga iyo madaxtooyada, waxaana naga
dhaxaysa wada-shaqayn fiican markaa waxaan bulshadda Somaliland u
sheegayaa inuu warkaasi yahay mid aan xaqiiqada ku salaysnayn”.
Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) isaga oo
hadalkiisa sii wata, isla markaana ka jawaabaya su’aal aanu ka
waydiinay cadhada la sheegay inuu Hargeysa kaga ba xay, waxa uu yidhi
“Ma jirto cadho aan anigu Hargeysa kaga baxay, Magaaladda Burco-na
waa run oo waan tagay laakiin waxa aan u tagay shaqo, socdaalkayga
Burco-na waxa uu ahaa saf ar shaqo, markaa sida aan kuu sheegay ma
jirto cadho aan caasimadda kaga baxay”.
Sidoo kale sida ay wargeyska Haatuf u sheegeen dad xogogaal ahi
wasiirka caafimaadka Dr Xa glo-toosiye ayaa isagu cadho kaga baxay
maalintii doraad magaaladda Hargeysa, kaas oo sida ay
ilo-wareedadaasi tilmaameen cadhadiisa lala xidhiidhiyey Odayaal uu
ka mid yahay Ugaas ay xidhiidh dhaw lahaayeen wasiir Xaglo-toosiye
oo ka yimid deegaanka Boocane oo caasimadda u jooga wada-hadalo ku
taxaluqa gogashii nabada ee uu hore madaxwaynuhu ugu fidiyey beela ha
barriga Somaliland, ayaan doorkii uu ku lahaa arrimaha deegaanada uu
ka soo jeedo aan wa xba laga waydiinin, kaas oo arrintaasi u arkay
mid lagu yaraysanayo.
Dhinaca kale sida ay xogahaasi Haatuf u sheegeen wasiir Saleebaan
Ciise Axmed ayuu khilaaf awood maroorsi oo ku wajahan deegaanadda
Sool iyo Buuhoodle uu wakhtigan ka dhexeeyaa Wasiiru dawlaha
arrimaha barriga iyo nabadaynta Cali Sandulle oo isagu hormuud u
ahaa Oday aasha deegaanka Widh-widh ee madaxtooyadda la geeyey.
Source:Haatuf
|