Wasiir Xagla-toosiye oo sheegay in Wasaarada Dib u Dejinta uu hoos keenay gargaarka WFP Iyo waaxda Samafalka

 



Wasiirka dib u dejinta Xaglotoosiye oo maanta ka hadlayey xarunta Golaha Wakiilada oo ..

Hargeysa (TNN) - Wasiirka wasaarada dib u dejinta Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagl a-toosiye, ayaa sheegay in wasaaradiisa uu hoos keenay gargaarka hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada ee WFP iyo maamulka hay’adda samafalka oo hore u hoos ta gi jirtay xarunta Madaxtooyada .

Wasiirka dib u dejinta Xaglotoosiye oo maanta ka hadlayey xarunta Golaha Wakiilada oo lagu ansixiyay jagadiisa wasiirnimo , ayaa sheegay in hada labadani hay’adood ay si toos ah u hoos tagi doonaan wasaarada .


“Waxa aanu ku guulaysanayay in aanu wasaarada hoos gaynayo labad hay’adood oo waaweyn, hay’adda samafalka oo Madaxtooyada hoos tagi jirtay iyo hay’adda WFP oo ah hay’ad madaxbanaan , qorshahayagu waxa weeye hay’addaha kale in ay tallaabadaa oo kale qaadaan” ayuu yidhi .


Waa markii u horeysay ee Wasaarada Dib u Dejintu la wareegta barnaanijyada gargaarka ah ee Hay’addaha Samafalku dalka fuliyaan.

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland