WASIIR SAMAALOW HORE AYAA LOO YIDHI BEENALAHA UGU HADAL MACAAN

 


Waxan dhegeystay TVga qaranka ee la maran habaabiyey. Marka Qaran laga hadlaayo wa xaa ummadda oo dhan oo rayigeeda kala duwan sifo siman loo soo jeediyo mucaarid iyo muxaafidba. Waxa ayaan darro ah in TVgu xataa qabaailka uu kala sooco iska daa xisbiyad ee. Waxa xata kala fadilan WAsiirada iyo Garbaha KULMIYE oo mid ayaa iska haysta oo buu xiya 24 saacadood ee aan loo hayn wax barnaamaj ah.

Intas iga dhe TVga sumacadi qaranka lumiyey. Waxa aan daawady waa Sh Samale oo saca ado badan soo yuurura oo iska dhigaaya wiil dhalinyar oo waxa la yidhi isu eekeysi dhaliny arada aad la hadlayso, taygii ma ku, suudhkii ma ku, toobka ma ku, tusbixi ma ku..waa shaa dh gacamo gaaban iyo gadh xiiran, shaarubo ma ku...ka gudub. WAxa goobta la keeney w aa dhalinyaro Jamacadaha laga soo xushay iyo waayeel aan la socon hawsha uu Sheekhu inoo hayo. WAxa ka maqan ciddii la xisaabtami lahayd ma joogaan xisbiyadii mucaaridka aha, ma joogaan aqoon yahankii madaxa banaana, ka darane ma joogaan Saxaafadi. Wali dunida ma aragteen siyaasi wax la weydiinayo ooy saxaafaddu ka maqantay. Yaa salaam, taas waa mid ay caan ku tahay xukuumaddan bila darawalka ihi.

Illeyn ma joogaan cid hadalkiisa axadhi kartaaya wax walba waxuu kaga jawaabay Alxamd ulila ayeynu joogan aictiraafna waa soo dhowyahay wershaduhuna wey badan shaqana waa la heli INsha Allah... yaa salaam..Hadalka samaale waa mid caruurtuna garanayso inuu yahay masuuliyad ka carar iyo been sheeg qaawan

Samaale waxa looga fadhiyey inuu ka hadlo sababta cashuurta maalqabeenka looga qaadi waayey ee danyarta uu maalinwalba ku kordhiyo cashuuraha. Waxa isla maalintuu hadlay ey la horgeeyey Golaha Wakiilada, cashuur la saaraayo xoola dhaqatada oo neef wal oo la iibiyaba lacag loo saarayo cashuur. Haddana maalqabeenkeenu lagama helo cashuurta ma caashka ah Profit Tax. Waa Dahabshiil, Waa Teleson, Waa OOmaar, Waa Indhodayro, Waa Ina Aw Siciid, iyo qaar kale oo badan iyu isaga laftiisa oo shuraaka ka ah Telesom, Red SEa iyo Africa On LIne...

Bal wax kaleba ha joogeeni Samaale ha inoo sheego inta Sharkadihiisu cashuur bixiyeen. .Wasiir imisaad bixisay Cashuurta Macaashka sanadii, hadda maalin walba waxaad la soo taagantay cashuurta ha la bixiyo. Ka bilow naftada oo noo sheeg intaad bixisay.

Saamaale waxuu joojiyey warbixintii wacnayd ee Maxamed Xaashi bilaabahy inuu seddexd a biloodba inaga siiyo miisaaniyadda waxa baxay iyo waxa ku jira. Maanta haalkeenu waa duuduub, lambaro ayuunba leynu akhriya wax ka jairana lama oga. Mar walba waxa leynoo sheega inay korodhay, haddana leynooma sheego waxa dhab ahaan la isticmaalay. Waxa ka daran waxa Samaale caadaystay inuu ina yidhaahdo miisaaniyadda xukuumaddu waa 125 milyan tan dawladuuna waa 165...ummadda uma fasilo waxay kala yihiin..

Sahacbiweynow leydiin sheegimaayo macnaha ka dambeeya hadal macaan oo ..ku bilaabm a walaal..kuna dhammaada meel fiican ayeynu marayna..waayo halka la maraayo idinka og, tahriibta ka marag ah, dilka iyo boobka ka marag ah, kala taga dhaqaale ee bulshada ka m arag ah. Wasiirka maalqabeenka ah een cashuurta bixin yaa ka marag ah.

Siyaasi aan hadal runa sheegin, go'an adkeyn oo hadalkiisu yahay raaligelinta inta hor joog ta iyo sasabo, ma laha hoggamin wacan, ma aha mid lahgu aamini karo qaran dhismaayo oo u baahan haladeeg iyo go'aan geesinimo. Been laghuma dhigi karo qaran.
Beenaale kan uu u sheegaya wuu arka kan uu ka sheegayaana wuu la socda, beenaalana waa lagu yaqaan hadal macaan.

Samaalow u yeedh saxaafadda iyo mucaaridka oo oggolow sida nidaamkeenu yahay in lagula xisaabtamo, ku hadal luqada lambarada oo iska dhaaf kalmadka diinta ah eed beenta ku qurxinayso, ma wacan inaad muraad qalafsan u adeegsato. Xilkaagu waa lacag, afka lacata iyo dhaqaalaha ku hadal hadaanad aqoon oo ah tan dhabta ah ogow inay dambi tahay inaad shaqo doonato aadan aqoon, waa qish iyo khiyaamo diintuna ma oggola oo horta taas marna ma ka fakirtay. Alle ha ku tuso danbigaad dhex dabaalanayso, kolligeena sidoo kale heyno tuso qaladkeena.

Madaxweyne waan kuu duceeya, in Alle ku tuso inta magaca kaa dileysa iyo sida guracan ee awoodda aad u igmatay loo isticmaalaayo. Waan kuu duceeya ee Alle ha ku siiyo caafi maad.

 



Cabdi Xaaji Axmed
hargeysawi@gmail.com