Wasiir Samaale Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Maanta Safar sha qo Ku
Tagay Degmada Tog-Wajaale Iyagoo Kormeerna Ku Tagay Cusbitaal Ay
6-biood Ka Hor Dhagax Dhigeen Oo Aan Wali La Bilaabin Dhismihiisa .
Waxaanay Dad-waynaha Reer Wajaale Ka Dhur-sugayaan Talaabada Tan Ku
Xigta Ee Ay Qaadi Doonaan Wasiirada Iyo Xildhibaanada Ka Soo Jeeda
Gobolka Gabiley............
Tog-wajaale (TNN):- Wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaarada maaliyada
somaliland cabdi casiis max amed samaale oo ay weheliyaan wasiirka
wasaarada warshadaha Abiib Diiriye nuur Abiib Timacad iyo
xildhibaanka kasoo jeeda Gobolka Gabiley xildhibaan cabdilaahi
xuseen cige cabdilaahi Blacki, badhasaa bka gobolka gabiley Yuusuf
Ibraahin Geedi ,ayaa manta lagu qabtay Hoolka shirarka magaalada Tog
wajaale ,waxaana ka soo qayb galay
culimaada magaalada Gudiga horumarinta jidadka Tog wajaale Ganacsato
iyo bulshada inteeda kala duwan waxaanay wasiirada ka gudoomeen
dhulkii cisbitaalka laga dhisilaaha .Ganacsade NUUR YARE oo ka tirsan
Ganacsatada deegaanka magaalada Tog wajaale ayaa bixiyey dhulka
laga yagleelayo hospital wajaale yeelato waxaan ka gudoomay wasiirka
wasaarada maliyada iyo wafdigiisii uu hogaaminayey waxaana ugu horay
n halkaa kahadlay maayerka degmaada waajaale oo usoo jeediyey
dadweynaha reertog wajaale hadalo isugu jira canaan, hanjabaad,
waxaanu sheegay inaan hadeed loo dulqaadan doonin dadka haysta
dhulka danta guud ah ,waxaanu sheegay imika wiixii kadanbeeya in
dadka laga jari doono dhulka danta guudah
cid danbena aan laga aqbali doonin ,sharigana la marin doono cidii ka
hortimaad.
Waxakale oo handalka gudoomiyaha sii xoojiyey wasiirka
wasaarada warshadaha Abiib diiriye Nuur oo kutilmaamay reer tog
wajaale inaan loo dulqaadan doonin siyaabaha ay u dhaqmayaan
wuuxuna shee gay wasiirku inuu xalay saqdii dhexe isaga iyo
xildhibaan cabdilahi Black ergo uugu tageen ganacsade NUUR YARE oo
ka mida ganacsatada reer Tog wajaale in uu ka bixiyo beertisa dhul
laga dhiso cusbital wajaale loo dhiso balse uu ka aqbalay bixiiyey
dhulkii kuna wareejiyey gabo gabadii .
Waxa xaflada soo afmeeray
wasiirka wasaarada maliyada mudane cabdi casiis maxamed samaale oo
sheegay in xukuumada madaxweyne axmed maxamed
maxamuud siilaanyo kago,antahay
wax u qabash ada Degmada Togwajaale marwalbana uu niyada kuhayo
madaxweynuhu Dadweynahareer Wajaale waxkale oo uusheegay wasiirku
inay miisaniyada 2014 ka ee la,ansixiyey ku jiray hospitalka wajaale
markastana ayka go,antahay in wajaale laga hirgaliyo mashaariic
horumarineed sikastaba ha,ahaate wasiirka wasaarada maliyada
somaliland Mr samaale oo dadka reer wajaale uyaqaannaan masuulka
kaliya ee xukuumada siilayo katirsan ee markaskta daneeya magaalada
tog wajaale oo
ay ka hanaqaadaan horuma wasiirka oo looga bartay inuu isbarbartaago
qorshekasta oo magaalada
lagu hormarinayo isagoo hormuud kanoqday ahaana maskadii kadanbaysay
qadhaankii lacagaha badan ganacsatadu kubixiyeen jidadka Tog wajaale
waxakale oo uu sheegay inay hadana diyaar uyihiin bixinta qaadhaanka
wajaale wax loogu qabanayo waxakale oo wasiirku amaan usoo jeediyey
Gudiga horumarinta wadooyinka wajaale oo uu sheegay inaanay
la,aantood waxba qabsoomeen waxaanu ku dhiirigaliyey inay
dadaalkooda sidii hore iyo sikabadan usiiwadan wakale oo wasiirku
sheegay inay dawlada ay lasoo dhegtay qalab aad utirabadan oo
waxkaqabandoona baahiyaha kala duwan ee dalka qalbkaasi oo ay ka mid
yihiin cagafyada wadooyinka sameya cagafyada beeraha doonyo loosoo
iibiyey wasaarad kaluumaysiga waxaanu sheegay waxaaso dhan inay
xukuumad kusoo iibisay lacagteeda kana go,antahay in dalka
lahormariyo
Si kastaba Ha Ahaatee Cusbitaalkan Ayaa Bishii August Ee Sanadkii La
Soo Dhaafay Ay Si Wada Jir ah U dhagax-dhigeen Hay'ada samo falka ee
Tog-wajaale Foundation
(TWF),Wasiirka Caafimaadka Mudane Saleebaan
Ciise Axmed (Xaglotosiy) , Wasiirka Maaliyada C/casiis Maxamed
Samaale , Wasiirka Warsha daha Abiib Diiriye Iyo Qaar Ka Mida
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Laga Soo Doortay Gobolka Gabi ley .
Waxaanay Dad-waynaha Reer Wajaale Ka Dhur-sugayaan Talaabada Tan Ku
Xigta Ee Ay Qaadi Do onaan Wasiirada Iyo Xildhibaanada Ka Soo Jeeda
Gobolka Gabiley
c/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Obsiye2007@hotmail.com
Tog-wajaae ,Somaliland
|