Wasiir Ku xigeenka Cusub Ee Gaashaan-dhiga Oo Si Adag Ugu Jawaabay Guddoomiyaha UCID



Cabdi Daahir Camuud (Cabdi-dheere)



Faysal Waxa uu ka mid yahay Saaqidiinta Ma Gudbaanka ah ee Siyaasada Somaliland

HARGEYSA (TNN):- Wasiir Ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Cabdi Daahir Camuud (Cabdi-dheere) ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha UCID oo sheegay in laga reebay weftiga Somaliland uga qeyb geli doona jawiga labaad ee wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya lagu wado inuu todobaadka fooda inagu soo haya uu ka furmo dalka Turkiga.
Wasiir Ku xigeenka Gaashaan-dhigu waxa uu sheegay inaan Faysal Cali Waraabe lagu aamini Karin masiirka ummadda oo aan la geyn Karin fagaareyaal caalami ah.

Md. Cabdi Daahir Camuud waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray oo u dhignaa sidan:- “Waxaan jecel ahay in aan ummada u sheego in Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, uu ku dhacay khalkhal siyaasadeed iyo jaahwareer isaga iyo xisbigiisiiba,somalidu waxay tidhaahdaa geela awrkiisu durduriyo aarankiisana maxaad u malayn waxaan uga jeedaa waxaan xalay tviiga horncable ka daawaday faysal oo tawaawacay oo leh waxaa la iga reebay shirka turkiga ee dhawaan la qaban doono.

Hadaba Faysal Cali Waraabewaxaa uu ka mid yahay saaqidiinta siyaasada kuwa ugu waaweyn waayo ninka hogaamiyaha ah waxaa laga rabaa haddii uu guulaysan waayo in uu ka dego gudoonka iyo hogaanka xisbiga oo uu dhan uga baydho si uu xisbigiisu u badbaado may dhicin ee faysal waxaa uu ku sugay ilaa iyo inta uu ka waalanyey bal hada eega hadalada uu raaciyo warbaahinta isaga oo aad moodo nin waalan oo aan u meel deyayn hadalkiisa waliba ilaahay ka qaaday wixii nuxurka la odhan jiray.

Si kastaba ha ahaatee Faysal Cali Waraabewaxaa uu ka mid yahay saaqidiinta ma gudbaanka ah ee siyaasada Somaliland waxaana taa kuu cadaynaya inta jeer ee uu xisbigiisu guul keeni waayey isla markaanu uu isagii hadana sii hor fadhiyo iyo hadalada aanu u meel dayeyn kuwaasi oo ay ugu baxeen naanayso badan.

Waxaan ummada u sheegayaa in aanu Faysal ahayn nin dhan isla markaana uu ku dhacay khalkhal siyaasadeed iyo hinaase,sidaasi awgeed waxaa marag ma doon ah inuu faysal qaaday talaabo kasta oo uu dan mooday haddii ay tahay orod badan haddii tahy hadal waxbase uu ku waayey.

Waxaa kale oo faysal hinaasaha ku riday isaga oo arkay in aanu gaadhi karayn xukuumadan kulmiye oo dhaqaajisay maamulkii dawldnimo. Hadaba in kasta oo uu yahay xisbi sharci ah hadana hogaanka xisibigu wuu khalkhalsan yahay markaa ilama ah in la aamino waayo waxba waanu qarin karayn markaaba wuxuu sheegayaa sirtii lagu wada hadlayey,si kastaba ha ahtee waxaan u sheegayaa ummad in qof kasta oo siyaasada ku saaqida aan la ddhegaysan waxna aan laga qorin waayo waxa uu ka mid yahay Faysal Cali Waraabesaaqidiinta siyaasada Somaliland.

Waxaa kale oo Faysal caadaystay been ka sheegid madaxda qaranka iyo wixii uu arko ee ku saabsan xukuumada KULMIYE taasina waxaa markhaati ka ah haddii aad dhegaysato hadaladiisa isdhaafka ah waxaa ay yihiin been abuur iyo buun buunin,waxaan odhan lahaa Faysal Cali Waraabexilka xisbiga iska wareeji sumacad kuu hadhay ma jirto waxaan ka ahayn in adiga oo tviiga ka hadlaya aad maryahay dhigato ilayn waxaa kugu dhacay maskaxa guur.

Gunta iyo gabagabada waxaan u sheegi lahaa xisbiyada mincaaradka ah in aydaan gaadhi karayn xukuumadan uu hogaaminyo mudane Axmed.M.M.siirayayo oo ah ruug cadaa siyaasadeed,waxaa kale oo aydaan gaadhi karayn wax qabadaka muuqda ee ay ku talaabsatay xukuumadani mudadii seddexda sano ahayd ee ay haysay xilka.

Waxaa kale oo aan xukuumada Somaliland ka codsanayaa in aan Faysal laguma aamini karin masiirka ummad lamana gayn karo fagaarayaasha looga hadlayo arrimaha Somaliland isla markaana laga ilaaliyo in uu raaco madaxweynaha Somaliland.Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkaygan kooban inuu Faysal Cali Waraabeku danbayn doono wisiirka hawlaga guud ee dalka somaliya dhawaana la maqli doono.”
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland