Wasiir Duur oo Xilalkii ka qaaday Taliyihii laanta Socdaalka iyo Xoghayihii Fulinta dawlada hoose ee Burco

 

 

 

 


Sababaha ugu badan ee loo aaneeyo fadhiidnimada Socdaalka Somaliland-na sida ay ku...


Hargeysa (TNN)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraalle Duur ayaa maa nta xilkii Taliyaha Socdaalka ka qaaday Taliyihii Laanta Socdaalka Somaliland Dayib Cismaan Caa lin, waxaanu u magacaabay Taliye cusub oo la yidhaahdo Maxamed Cali Yuusuf (ina canbaro).

Ilaa hada lama oga sababta xil ka qaadista Taliyihii hore, hase yeeshee waxa lagu war helay uu n saaka kadib markii sida ay warar xogogaal ah oo dhinaca socdaalka aanu ka helnay noo xaqii jiyeen in xilka laga qaaday Taliyihii hore oo muddo badan xilkaasi soo hayay.


Taliyaha cusub ee xilka loo magacaabay Ina Canbaro ayaa ah sarkaal darajada ka gaadhay ilaa heer Kornayl, waana sida la sheegay aqoon sare u leh hawlaha Socdaalka.Xafiiska Socdaalka ayay hawlihiisa shaqo hoos u dhaceen tan iyo intii ay xukuumada Madaxwey ne Siilaanyo xilka qabatay, taasoo ay ugu wacnayd labadii Hay’adood ee qaranka u hayay dhinaca socdaalka iyo Sirdoonka oo awal hore isku xafiis ahaa, warkana kala qaadan jiray oo la kala saaray, iyadoo Laanta socdaalka la hoos geeyay wasaaradda Arimaha Gudaha.

Hoos gaynta la hoos geeyay wasaaradda Arrimaha gudaha wakhtigaasi waxa si weyn ugu Olol eeyay Maxamed Cabdi Gaboose oo markaa ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha isla markaana doo nayay labada hay’adood ee Sirdoonka iyo Socdaalka oo wada socda in la hoos keeno., laakiin Madaxtoyada oo ay labaduba hoos iman jireen ayaa ka diiday, taasina waa ta keentay in ay kala dhantaalmaan wada shaqaynta labada hay’adood oo aan kala maarmin.


Sababaha ugu badan ee loo aaneeyo fadhiidnimada Socdaalka Somaliland-na sida ay ku doodaan shaqaalaha Socdaalku waa taageero la’aaan dhinaca dhaqaalaha ah iyo wasaaradii la hoos geeyay oo ka mashquushay, halka Sirdoonka Somaliland Dawladdo iyo Hay’addo dhaqaale buuran haysta ay xidhiidh la leeyihiin.

dhinaca kale Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday Xog-hayihii Fulinta Dawlada hoose ee Magaalada Burco Cismaan Maxamed Ci smaan, kaasoo aan la ogayn ilaa hada sababta xilka looga qaaday.
Saraakiil ka tirsan dawlada hoose ee Burco ayaa laga soo xigtay in Xoghaye Cismaan si rasmi ah xilka looga qaaday, hase yeeshee may cadayn sababta xilka ka xayuubintiisa ka dambeysa, inkasta oo loo aanayno cabashooyin xad-dhaaf ah oo mudooyinkan dambe laga sheeganayay shaqada uu hayo, ka dib markii uu caqabad ku noqday socodsiinta adeegyada dawlada hoose ee Magaalada.

Sarkaalkan oo mudo dheer ka tirsanaa dawlada hoose ee Burco ayaa la sheegay in mudooyinkan dambe wax iska bedeleen shaqadiisa, iyadoo sida la sheegay uu kala socodsiin kari waayay hawlihii fulinta dawlada hoose, kana horyimi awaamiirta masuuliyiinta ka saraysa ay bixiyaan, arimahaasaana loo malaynayaa in shaqada looga eryay.