Wasiir Duur Oo Digniin Culus U Diray Ururadda Ku Baaqay Mudaraadyada, Qirtayna inuu Ruqsadii u Diiday


 

 


Wasiirka arrimaha gudaha oo duhurkii maanta shirjaa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa dadweyna ha ....


Hargeysa (TNN)-Wasiirka arrimmaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa sheegay inay sharci-daro tahay in mudaharaad aan sharci loo haysan loogu baaqo dadweyna ha, isla markaana uga digay ururadda qiimeynta ku hadhay in aanay nabadgalyadda gacantoo dda ku burburin.

Wasiirka arrimaha gudaha oo duhurkii maanta shirjaa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa dadweyna ha ku amaanay sida aanay ugu dhago nuglaan ururadda ku baaqay isku soo baxa, waxa kale oo uu iyana ururaddii ku gacan saydhay in mudaharaad ah la sameeyo ku amaanay sida ay wada nkoodda ugu tudheen oo ay u dhawreen shuruucda dalka.

Wasiirku waxa kale oo uu ururadda qiimaynta ku hadhay ee cabanaya usoo jeediyey inay hay’a daha garsoorka dacwadaha ay qabaan u gudbiyaan, balse aanay ku dhaqaaqin ficilo ka hor ima naya harumarka dalka iyo nabadgalyadiisa.

"waxaan la talinayaa maanta ururadda qanci waayey ee qaska xal mooday, waxaan leeyahay aynu ilaalino waxa aynu wada leenahay, xilka qarankuna waa meerto, bari waxaad xaq u leedi hiin inaad talisaan, haddii aad maanta sharci dhaafto sideebaad bari madax iigu noqon karta a"ayuu yidhi wasiir Duur oo la hadlaya ururadda ku baaqay madaharaadka

"waxaan u baaqayaa shacabka inay sharaf ku leeyihiin dhawrista nabadgalyadda iyo qaranima dda, awoodda u weyn ee nabadda ilaalisaa waa shacabka, qof khaldan in aanay taageereen ani ga way I cadahay"ayuu yidhi wasiirka Arrimaha gudaha oo shacabka uga mahad naqaya diidm adda ay ka muujiyeen inay isku soo baxaan.

Wasiir Duur ayaa sheegay in aanay Somaliland ku cusbayn in urur guuldaraysto, sidaa daraade ed aanu qofna ku dhaqaaqi Karin wax ka soo horjeedda Qaranimadda iyo Nabadgalyadda, "Qofk ii ku kalsooneen guddi, sharci iyo garsoor isagu talaabaddu uu qaadayo xor buu u yahay, waxaa n tusayaa inay dawladdi iyo kala dambeyn jirto"ayuu raaciyey.

Inkastoo Ururadda qiimeynta ku hadhay bulshaddda ugu baaqeen mudaharaad salmi ah, hadan a may jirin cid ku taageertay, marka laga reebo dad kooban oo iskugu yimid xafiiska UDHIS ee magaaladda Hargeysa, waxa kale oo iyana taageerayaasha UDHIS iyo GURMAD isku soo baxyo aan weynayn ka sameeyeen magaalooyinka Berbera iyo Burco, wallow ciidamadda amnigu ay markiiba kala dareeriyeen.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamadda amniga ayaa saaka meelihii laga filayey inuu mudaharaadku ka dhaco la dhigay, iyadoo amnigana aad loo adkeeyey, isla markaana aan fursad la siin taagee rayaasha ururadda qiimeynta ku hadhay.
 

 


C/raxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland