Wasiir Duur oo Cuqaasha Xukuumadda Dhaliila ugu Hanjabay in u u Mushaharka iyo Aqoonsigaba kala noqonayo iyo Guurtida oo Su’aalo ka Waydiisay Dhacdadii Ceelbaraale
 

 

 

Madaxdhaqameedyada ku soo badanaa wadanka, isla markaana Golaha dhaqanku loo baahanyahay

Hargeysa(TNN)-Xukuumada Somaliland ayaa ku Han-jabtay inay aqoonsiga kala noqonayso Cuqaasha ka diwaan-gashan Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Mushaharka dawlada ka qaata hadii aanay joojin dhaliilaha ay dawlada u soo jeediyaan iyo isticmaalka magaca beelaha ee ay ku hadlaan, waxaanay sidoo kale xukuumaddu ku wargelisay in Mushaharka laga jaray Caaqilka Warbaahinta ka dhaliila dawl ada isagoo ku hadlaya afka beesha uu madaxdhaqameedka u yahay.


Sidoo kale xukuumadu waxay ku dooday in la xadido madaxdhaqameedyada ku soo badanaa wadanka, isla markaana Golaha dhaqanku loo baahanyahay inay ka shaqeeyaan hawlaha nabadeynta oo kale, laakiinse aanay ku milmin arimaha Siyaasada, sidaasi waxa yidhi Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Nuur Caraale Duur oo maanta Gudida joogtada ah ee Golaha Guurtidu la yeesheen Xog-waran la xidhiidha arimaha amniga wadanka, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi“waxaanu cuqaasha uga digaynaa inay warbaahinta xukuumadda ka weereraan iyagoo ku hadlaya afka beelaha ay madaxdhaqameedka u yihiin oo Caaqilka dambe ee inta uu warbaahinta soo fadhiisto yidhaahda annaga oo reer Hebel ah waxaasaanu samaynaynaa walaahi Mushaharka ayaan ka jarayaa iminkaba waan idiin sheegayaa, una dul-qaadan mayno in nin caaqil ahi maalin walba si aan loo baahnayn uga caytamo saxaafada, madaxdhaqameedkana in la xadido oo sidiisii hore lagu soo celiyo waa arin muh iim ayaan qabnaa anigu”ayuu yidhi.

Dr Maxamed Nuur Caraale Duur waxa kale oo uu sheegay in Xukuumaddu Kharash u diyaarisay dhex dhexaadinta Beelihii dhawrka jeer ku dagaalamay Deegaanka Ceel-bardaale ee Gobolka Gabiley, Gol aha guurtidana ay uga marti tahay sidii labadaasi beelood nabad waarta looga dhex dhalin lahaa, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “arinta Ceel-bardaale xukuumaddu waxay diyaarisay Kharashkii lagu hawl-geli lahaa sidii labadaa beelood nabad waarta looga dhex abuuri lahaa, guurtidan a waxa looga baahnyahay inay hawshaa doorkooda ka qaataan”ayuu yidhi.


Mar uu ka hadlayay dadka soo gelootiga ah ee dalka ku soo qul-qulaya sababta ay wax uga qaban w ayday xukuumaduu waxa uu yidhi “Dadka soo gelootiga ahi inta badan waxay inagaga yimaadaan dal ka Itoobiya oo aynu Xuduud Balaadhan leenahay, xuduudeenana ma jiro runtii ciidan boqolkiiba boqol ilaalin karaa ee waxaynu ilaalinaa uun kadimada laga soo galo, markaa arinka soo gelootigu waa arin Jabuutiba culays sidaasoo kale ugu haya waa la gala hadana way soo raafaan, sidoo kale inaguna inay joogtayno mooyee maaha arin boqolkiiba boqol aynu joojin karayno, waanu nadiifinay wixii kale ee soo kardhana maaha shaqo aanu joojinaynee wixii kolba soo kordha waanu saaraynaa”ayuu yidhi mar uu ka hadlayay wasiirku arinta dadka ajaanibka ah ee dalka ku soo noqday iyo qorshaha Xukuu mada ahaan uga meel yaala.


Wasiirka Daakhiliga Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay Gogoshii nabada ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay Beelaha Bariga “Gogoshii nabada Xaga xukuumadda dhawaaqii waa ka baxay walise gobol nabadeed oo laysugu yimi oo la wada fadhiistay ma jirto, hadii xagayaga wax ka dhiman yihiin oo talo u jeedinaysaan oo aad leedihiin xagayaga waxbaa ka dhimane ku dara diyaarbaanu u nahay, hadii xa ga kale inaad soo jiidaan ay tahayna gogoshii xagayaga waa ka diyaare dee ka hawlgala”ayuu yidhi.
Wasiirka ayaa sidoo kale su’aalo badan waxa laga waydiiyay qorshaha dawlada ee ku aadan dadkii laga xaaqay jidadka magaalada ee ganacsatada ahaa, kuwaasoo xildhibaanada Guddida Joogtada ahi ku bogaadiyeen talabaadii ay ka qaaday dawlada hase ahaatee ay waydiiyeen in loo diyaariyay meelo la dejiyay oo ay ku shaqaystaan.
Waxaanu sheegay in gacanta lagu hayo goobo dhawr ah oo dadkaasi loogu talo galay, kuwaasoo ay gacanta ku hayso dawlada hoose ee Caasimada Hargeysa, taasoo buu yidhi ay si dhakhso ah uga sug ayaan dhamaystirka dhulkaasi loo cayimay Xoogsatadii laga rara shaaracyada Hargeysa oo qaarkoo d aanay ilaa wakhtigan helin meelo kale oo ku xoofsadaan.

 



Saleban Cabdi Cali
Timacade News Desk
Hargeisa ,Somaliland