Wasiir dawlaha hawlaha guudow Riyaale ma wuxuu qandaraas kugu siiyey inaad beesha Gabilay kala jabis


 

Wasiir dawlaha hawlaha guudow Riyaale ma wuxuu qandaraas kugu siiyey inaad beesha Gabilay kala jabiso


Waxa dadka beesha Gabilay naxdin iyo yaab ku abuurtay arrinta xun ee wasiir dawlaha hawlaha guud sameeyey isagoo Gabiilay ku qabtay xaflad uu Jibriil Abokor ku kala qaybinayo.

Waxana cad in ninkaa xirsi uu Riyaale soo diray uuna yidhi Jibriil tol fiiq xu mo soo kal dhexdhig. Laakiin waxaanu Riyaale ogeyn in isku duubnida iyo midnimada beesha Gabilay ay tahay mid xidido qoto dheer ku fadhida oo aan cidina dhaawici karey.

Waana ta ay ku baxday odhaahda qadiimigaa ee tiraahda Jibriil waa isku jeeni.

Xirsiyow xaal sii beesha reer xaad iyo beel weynta Jibriil Abokor. Reer Xa ad waxa ka dhashay rag halbowle iyo laf dhabar u ahaa midnima iyo tol fiiqda wanaaga Jibriil Abokor oo uu ka mid ahaa ilaahay ha u naxariistee Maxamed Ibraahin Khaliif oo midnimada iyo iskuduubnida Jibriil goor walba ka shaqeyn jiray.


Ugu dabeyn rag iyo dumarba waa in Jibriil Abokor meel uga soo wada jees taa shakhsiyaadka doonaya inay dhaawacaan midnimadii iyo iskuduubnidii aynu abka iyo isirka u leenahay.
 

 

 


Suhuur Nuur

Gabiley,Somaliland