Wasiir Dawlaha Arrimaha Debedda Somaliland oo Booqdey Barlamanka Sweden




Waxa Wasiir Mohamed Rashid ku weheliyey booqashadaas Wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Eidarus Sh Adan (Daawo Sawiro)


Stockholm, Sweden (TNN)-Waxa manta oo ay bishu tahay 11 july barlamaanka Sweden booqdey Wasiir Dawl aha Wasaarada Arrimaha Debedda ee Somaliland Mudane Mohamed Rashid Sh Hass an oo booqas ho ku jooga caasimada Sweden. Waxa wasiirka ku soo dhaweeyey Barlamaanka X ildhibano ku jira Barlaamanka Sweden oo ay ka mid yahey Xildhibaan Amir Adan oo asalkiisu yah ay Somaliland.



Waxa Wasiir Mohamed Rashid ku weheliyey booqashadaas Wakiilka Somaliland ee Sweden Muda ne Eidarus Sh Adan iyo Mohamed Ali Ahmed. Waxa uu Wasiirku ka waramaey xaalada ay somalila nd mareyso iyo horumarka fiican ee ka socda Somaliland. Waxa uu Xildhiban Amir Adan sheegay in intii uu barlamanka soo gelay uu sameeyey talabooyin badan sidii uu kor ugu soo qaadi laha qa diya ku saabsan ictraafka Somaliland. Wax yaabaha uu qabtayna ay ka mid yihiin in uu wareyska ugu weyn Dalka Sweden ku soo saarey qoraal uu leeyahey waa in ay Dawladda Sweden Ictirafta Somaliland. Waxa uu Xildhiban Amir sheegay in uu booqasho ku iman doona Somaliland bisha sibtembar ee socota si uu u soo arko horumarka fiican e eka socda Somaliland iyo sida wax ay u wada qabsan lahayeen shacbiga Sweden iyo Somaliland.


Waxa ay isla garteen Xildhiban Amir Adan iyo Wasiir Mohamed Rashid in la xoojiyo dadaalka loogu jiro ictiraafka Somaliland.





Ahmed Omer
Stockholm Sweden