WASIIR CAWIL OO LAGU EEDEEYAY INUU GEF IYO AFLAGAADO KULA KACAY SAXAAFADA MADAXBANAAN

 

Afhayeenka ururka Suxufiyiinta iyo Qoreyaasha Madaxa Banaan ee Somaliland (SSJW), Mawliid Maxamed Shaqale ayaa ku eedeeyay wasiirka Maaliyadda Somaliland, Cawil Cali Ducaale inuu meel kaga dhacay isla markaana gef badheedh ah u geystay xuquuqda distooriga ah ee Suxufiga iyo Saxaafadda Madaxa banaan ee Somaliland.

Waxa uu Afhayeenku sheegay inuu wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Wasaaradda Maaliyadda iska hortaagay qaar ka mid ah Telefiishanada iyo Wargeysyada madaxa banaan ee Hargeysa ka soo baxa inay ka qayb-galaan, isla markaana Suxufi ka mid ah warbaahinta dalka oo ka mid ahaa weriyeyaashii su’aalaha shirkaa jaraa’id ku weydiiyay uu wasiirku ula dhaqmay si ka baxsan anshaxa iyo hab-dhaqanka masuuliyadeed ee uu ummadda u hayo.

“Wasiir Cawil wuxuu askartiisa u dhiibay liisa ay ku qoran yihiin qaar ka mid ah saxaafadda oo uu askartiisa faray inaanay foodda soo gelin xafiiska Maaliyadda ee uu shirka jaraa’id ku qabanayay, kuwaas oo isugu jiray Telefiishano iyo Wargeysyo madax banaan oo uu si gaar ah u bartilmaameedsaday wasiir Cawil. Dabcan saxaafadda uu bartilmaameedsaday waa kuwo uu wasiir Cawil ka dhex arki waayay maslaxadiisa gaarka ah, taasina waxay meel ka dhac ku tahay Dastuurka iyo Xeerarka dalka uu yaal, gaar ahaan Xeerka Saxaafadda, waxaanu wasiirku xafiiskii ay ahayd inuu ummadda ugu shaqeeyo ka dhigtay guri uu iska leeyahay oo kale oo cidii uu doonana u ogolaado, cidii aanu dantiisa gaarka ahi uga muuqana u diido. Sidaas darteed tallaabadan wasiirka Maaliyadda waxaanu u aragnaa mid gef ku ah xuquuqda aasaasiga ah iyo ta saxaafadda madaxa banaan iyo ta dawliga ahiba u leedahay inay war hesho si dadban iyo si toos ahba, isla markaana waxa ay meel-ka-dhac ku tahay qodobada aasaasiga ah ee Dastuurka Somaliland,” ayuu yidhi Afhayeenka SSJW, Mawliid Maxamed Shaqale.

Sidoo kale waxa uu Afhayeenka SSJW ka hadlay aflagaado iyo hadalo shakhsi weerar ah oo uu wasiirku si bahdilaad shakhsi ah ugu weeraray Suxufi shirkaa jaraa’id ku weydiiyay su’aal, waxaanu Afhayeenka SSJW yidhi: “Waa u dhaqan Xukuumadda Riyaale in wasiir kasta oo xilkiisa gudan waayaabaa gef iyo aflagaado qaawan kula galgasho weriyeyaasha. Sababtoo ah wasiir Cawil intii xilka wasiirka Maaliyadda hayay muu keenin xisaab-xidh keliya marka laga reebo xisaab-xidhkii sannadkii 2005, taas oo ay golaha Wakiiladu dib ugu soo celiyeen markii ay ka wiswiseen madmadowgii faraha badnaa ee ku jiray. Sidoo kale wasiirka Maaliyaddu miisaaniyadda dawladda sannadna ma horkeeno golaha Wakiilada wakhtigii sharcigu dhigayay inuu ku horkeeno, waxaanay sannad walba dib uga dhacdaa dhawr bilood. Markii shalay shirkaa jaraa’id ee uu qabtay su’aal laga weydiiyay xisaab-xidhadaasna waxa uu aflagaadeeyay weriyihii su’aasha weydiiyay isaga oo ka gubtay xil-gudasho la’aantiisa iyo god-daloolooyinka ka muuqda xilka uu qaranka u xilsaaran yahay, wasiir Cawilna waa nin badanaaba shirarkiisa Jaraa’id kaga hadla hawlo ka baxsan masuuliyadda shaqo ee loo dirtay, isagoo weriye shaqadiisii gudanaya ku dhaleecaynaya.”

Ugu dambeyntii Afhayeenka SSJW waxa uu masuuliyiinta xukuumadda Riyaale ugu baaqay inay ka waantoobaan gefka iyo meel-ka-dhaca ay kula kacaan warbaahinta iyo suxufiyiinta madaxa banaan, waxaanu yidhi: “Sidaas darteedna waxaanu cambaaraynaynaa gefka iyo aflagaadada uu kula kacay suxufigaas iyo saxaafadda madaxa banaan ee uu xuquuqdeedii ka hor istaagay, waxaanuna u soo jeedinaynaa Madaxweyne Riyaale iyo xukuumaddiisaba in aanay fashilaadooda shaqo kula soo galgalanin nin gudanaya waajibaadkiisii shaqo, isla markaana waa inay ka waantowdo habdhaqanka noocaas ah ee ay ugu geyfayso xuquuqda suxufiga iyo saxaafadda ee ay waajibinayaan Dastuurka iyo Xeerarka dalka u yaal.”
 

 

 


HAATUF