Wasaaradda Waxbarashada oo macalimiin hawl gab ah guddoonsiisay Shahaadooyin iyo lacag

 



Munaasibad lagu sii sagootiyay macalimiintan oo maanta lagu qabtey hoolka shirarka xarunta waxbarashada ee.........

Hargeysa (TNN) -Wasaarada waxabarashada iyo tacliinta sare Somaliland oo kaashanaysa EU-da iyo UNICEF ayaa maanta min toban kun oo Dolar iyo shahaado sharaf ku maamuustay lix macalin oo ka mida macalimiinta ruug cadaaga ah ee xiligan hawl gab noqdoy.

Munaasibad lagu sii sagootiyay macalimiintan oo maanta lagu qabtey hoolka shirarka xarunta wa xbarashada ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qeyb galay, Wasiirka wasaarada waxba rashada iyoc tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka wasaarada Shaqada iyo arrim aha bulshadda Maxamuud Barre Garaad, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Nuux Sh.Muuse, masuuliyiin ka socdey Haay’adaha EU iyo UNICEF, Gudoomiyaha Jaamacada Camuud iyo Macalimiinta lacagta iyo shahaadada la gudoon siiyay.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo munaasibadaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in lix macalin oo hawl-gab noqdey ay gudoonsiinayaan lacag (10,000$) iyo shahaado sharaf, waxaanay tilmaantay in macalimiintan ay in badan wadanka ka soo shaqeeyeen isla markaana mudan yihiin in la karaameeyo.

“Waxaanu maamus ku sagootinaynaa lix ka mida macalimiinta ruug cadaaga ah ee wasaarada m udada dheer ka soo shaqeynayey, waxaanu u qorshaynay annaga oo kaashaynayna EU-da iyo UNICEF adduun dhan toban kun oo dolar (10,000$) iyo waliba shahaado sharaf, ” Ayey tidhi Was iirka Waxbarashaddu.


Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo hadalkeeda sii watay waxay intaasi ku dartay ”Macalimiintan muddo badan ayay wadanka ka soo shaqeeyeen maaha dameerkii marka uu garbo beelo halka uu taagan yahay lagaga dhaqaqayey, waxaanay mudan yihiin aduunkan yar gudoonsiinay mid ka badan.”

Wasiirka Waxbarashaddu waxay intaasi ku ladhay “Markii aan wasaaradda aan imi macalimiintan iyo dhalinyaro oo wasaarada wabarashada ka tirsan ayaa hawl-gab lagu qorey iyadoo aan wax ba nalaga ogaysiin taasaa keentay inaanu ka hawl galno oo aan dib u soo celino. waxaan hawlix naga caawiyey Haay’ado badan oo kala ah EU-da iyo UNICEF, waanan u mahad celinayaa.”

Wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxay lixtii macalin mid-mid u gudoonsiisay jeeg ay ku qoran yihiin lacag dhan toban kun dolar (10,000$) iyo shahaado sharfeed.

Macalin, Ibraahim Maxamed Siciid (Dhagawayne), oo ka mida lixda macalin ee hawl gabka noqday ee wasaaraddu lacagta ugu deeqday, ayaa sheegay inay ku adag tahay in uu dareenkiisa farx adeed uu kelmaad ku cabiro, waxaanu codsadey in sawiradooda lagu daro sawiradda macalimii ntii hore waxbarashada ee sudhan hoolka shirarka ee wasaarada oo hab maamuus looga dhigo, waxaanu sheegay inay garab tagan yihiin wasaarada waxbarashada tallo iyo tusaale wixii looga baahdo.

Waa tallaabadii ugu horeysay ee wasaarad ka mid ah Haay’adaha dawliga ahi ku abaal mariso sh aqaalaheeda tacabka badan soo galay, waxaana soo dhaweeyay hawl-wadeenadda kala duwan ee wasaaradda iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

magacyadda macalimiintani waxay kala yihiin Ibraahim Siciid Dhego-weyne, Maxamed Kaahin Diiriye, Maxamuud Xaaji Xasan (Tulux), Maxamuud Maxamed Ismaaciil iyo Cabdi Gaax-nuug.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland