Wasaaradda Macdanta oo ku Wareejisay Maaliyadda Dakhli uga soo
Xarrooday Shirkad Shidaal
Hargeysa (TNN)- Wasaaradda
Macdanta iyo Biyaha Somaliland, ayaa Wasaaradda Maaliyadda maanta ku
wareejisay lacag ka soo xarrootay heshiis ay la gashay shirkad
shidaalka ka baadhi doonta Somali land oo la yidhaa
OPHIR Energy.
Waxaana sidaas lagu shaaciyey shir jaraa’id oo ay wada jir ugu
qabteen Wisiirrada Macdanta iyo Biya ha, Maaliyadda iyo Wakiilka
Shirkada, iyadoo si rasmi ah lacag xaddigeedu dhan yahay
$579,795 kun (Shan boqol iyo sagaal iyo toddobaatan iyo
toddoba boqol iyo shan iyo sagaashan kun oo dollar) loo gu
wareejiyey Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Eng.
Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa si qotodheer uga warramay marxal
ad ihii kala duwanaa ee uu soo maray heshiiskan iyo wax-ka-beddel
lagu sameeyey, waxaannu xusay inay shirkadu dhawaan hawshii shidaal
baadhista dhawaan bilaabi doonto, lacagtii heshiiska ay ku galeena
Wasaaradda Maaliyadda guddoonsiin doonaan, waxaannu yidhi; “Waxaan
doonayaa inaan maanta idiinka warano heshiis na dhex maray annaga
iyo shirkada OPHIR Energy oo shirkad shidaalka qoda ah, marka
Wasiirka Maaliyadda waxaannu ku wareejinaynaa dakhli ka soo
xarrooday heshiiska as, heshiiskani wuxuu aha mid hore u jiray oonnu
ka dhaxalnay xukuumaddii naga horraysay ee Raya ale, markaa wax-ka-beddel
baannu ku samaynay, markii horre waxay haysatay qayb dhulka ah, waxy
aabahaannu ka beddelnayna waxa ka mid ahaa inay dalbadeen qaybtay
dhulka ee ay haysteen inay qayb kale ku darsadaan oo ay
baadhitaankooda ka sameeyaan.
Dhulkaa dheeraadka ah ee aannu siinay waxyaabahaannu kula
gorgortanay waxa ka mid ah, inay la yimadaan dardargelin hawshay
wadeena, muddo dheer baynu maqlaynay shirkaddo shidaal baa dhulk
eena jooga oo baadhitaankii iyo sahankii shidaalkuba hore u
bilaabmay, waxa kale oo aannu ku darn ay kiro oo aan heshiiska hore
ugu jirin oonu aqabal siinay inay bixiyaan intay dhulka ku fadhiyaan
iyo xaqal qallin.
Heshiiskan wuxuu dhammaaday bishii December ee sannadkii ina dhaafay,
waxaanay labada dhinac heshiiska wada saxeexdeen bishii saddexaad ee
sannadkan, waxaana farxad weyn noo ah dakhligii ka soo xarrooday
Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.
Dakhligii ka soo xarrooday heshiiska wax-ka-beddelka ah waxa uu
noqday lacag dhan $579,795 kun (Shan boqol iyo sagaal iyo
toddobaatan iyo toddoba boqol iyo shan iyo sagaashan kun oo dollar)
aad baan ugu faraxsanahay inaannu u xarrayno Wasaaradda Maaliyadda
dakhligii sannadkan nalaga rab ay. Waxaannu aad u soo dhawaynaynaa
wada shaqaynta na dhex martay shirkadaas, wax aanannu
guddoonsiinaynaa jeegii lacagta oo aannu soo sawirnay.”
Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo halkaas ka
hadlay, ayaa sheegay inuu aad u soo dhawaynaayo lacagtaas Wasaaradda
Macdantu guddoonsiiso.
“Aad baannu ugu faraxsanahay oo u soo dhawaynaynaa in Wasaarad
Maaliyad ahaan in hanta dakhli ah oo Maaliyaddu ka rabtay Wasaaradda
Macdanta iyo Biyaha ay fuliso,” ayuu yidhi Md. Samaale, waxaannu
Wasaaradda Macdanta u soo jeediyey inay halkaas ka sii wadaan
dedaalka.
Mr. Rashiid Mustafe Xaaji Nuur oo ah wakiilka shirkadda shidaalka
baadhaysa ee OPHIR Energy, ayaa sheegay in shirkadoodu afar
sannadood dalka ku sugnayd, isaga oo intaa ku daray inuu aad u
faraxs an yahay in lacagta ay ku wareejiyaan Wasaaradda Macdanta iyo
Biyaha.
Source:so
|