Wasaaradda Maaliyadda oo xayirtay Qayb ka mid ah He shiiskii Ganacsi
ee Siilaanyo iyo Meles isla qaateen

Madaxwayne Silanyo oo Amar ku bixiyay in la sii daayo inta Heshiis
danbe laga saxeexanayo iyo Wasarada oo Doc-wareentay ........
Hargeysa(TNN) Wasaaradda Maaliyada Kastamkeeda Dekedda Berbera ayaa
doraad dib u xa yiray Alaabo u soo degay Ganacsatada Itoobiyaanka ah
ee Berbera Transit-ka ku soo mari ya Alaabahooda, lamina garanayo
talaabadan xayiraada ah oo soo noqnoqotay sababta ay ugu kacayaan
Masuuliyiinta Maaliyaddu.
Toddobaadkii hore ayuun bay ahayd markii kulan ay Addis ababa ku
yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo Raysal Wasaare Meles Zenawi kaasoo
ay isku soo afgarteen in Heshiiskii Ganac si ee labada Dal u
dhaxeeyay sidiisii loogu dhaqmo sida ku xusan War-saxaafadeedka ka
soo baxay Xukuumadda Somaliland oo u dhignaa sidan
“Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
iyo weftiga uu hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Ethiopia ayaa maanta
(07/02/2012,) waxa ay kulan la yeesheen Ra’iisal wasaaraha Dalka
Ethiopia Mudane, Meles Zenawi, kulankan oo ka dhacay Xafiiska
Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ee Magaalada Addis- ababa.
Kulankan oo lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo la xidhiidha sidii
laysaga kaashan lahaa, sii xoojinta xidhiidhka Nabad-gelyada,
Ganacsiga, waxbarashada labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.
Waxa kale oo ay kawada hadleen sidii dib u qiimayn loogu samayn
lahaa xidhiidhka labada dal ee xaga nabad-gelyada iyo ilaalinta
xasiloonida iyadoo fiiro gaar ah la siinayo arrimaha la xidhiidha
Amni-darrada ka taagan meelo ka mid ah mandaqada.
Waxa kale oo ay labada Dawladood isla meel dhigeen inay si isku mid
ah uga soo horjeestaan iskana kaashadaan wixii wiiqaya ee waxyeelo u
keeni kara xasiloonida iyo amniga labada dal iyo labada shacbi ee
derisnimada iyo walaal-tinimada dheeri ka dhaxayso.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaruhu waxay ku nuux-nuuxsadeen in ay ku
fara adaygi-doonaan kuna faraxsan-yihiin heerka iskaashiga iyo wada
shaqaynta labada dal ka dhaxaysa, iyadoo laga duulayo heshiisyadii
ay hore u wada saxeexeen.
Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku wehelina Safarka:
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed
Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur),
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xog-hayaha Gaarka ah
ee Madaxweynaha JSL, Cali Axmed Cali, Danjiraha Jamhuuriyadda
Somalila nd u fadhiya Addis Ababa, Mudane Aadan Nuux Dhuule, Ku-xigeenka
Danjiraha Jamhuuriya dda Somaliland ee Addis Ababa, Mudane, Ayaanle
Salaad Diiriye.”
Iyadoo ay sidaasi soo saartay xukuumadda Somaliland ayay hadana
wararka naga soo gaa dhay magaaladda beriberi sheegayaan in
Agaasimaha Kastamka Berbera Cali Bulbul ka joo jiyay Ganacstada
Itoobiyaanka ah inay Dekedda kala baxaan sharaab ay kala oo degeen.
Talaabada uu qaaday Agaasimahaasi ama wasaaradda Maaliyaddu ayaa u
muuqanaysa mid ka turjumaysa inay Madaxda Xukuumaddu is tabcaynayaan
oo ay isku dhigayaan jilaafooyin hoose. Taasna waxa markhaati ma
doon u ah talaabadan ay wasaaraddu ku joojisay iyadoo Madaxweynihii
dalka ee soo balanqaaday markii uu dalka ka dhoofay lagu dhaqaaqo
talaabo noocan oo kale ah.
Source: Waaheen
|