Wasaaradda Arr. Gudaha Oo Digniin Kale U Soo Jeedisay Kulmiye

 

Sida dadweynuhu uu ka dharagsanyahay waxaa jira inuu Xisbiga Kulmiye uu olole ugu jiro inuu banaanbaxyo sameeyo kaasi oo ah mid sharciga baal marsan isla markaana aanay wax fasax ah u haysan sida uu qeexayo qodobka 27aad & 28aad ee xeerka doorashooyinka qaranka oo odhanaya waxa ololayaasha Doorashooyinka fasaxaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka


Guddoomiyaha Komishankuna waxa uu saddexda Xisbi uga digay in la sameeyo olole aan wakhtigiisa la gaadhin, hase yeeshee waxaan dheg u dhigin Xisbiga Kulmiye oo si joogto ah u wada ololahaasi


Hadaba waxaanu mar saddexaad u sheegaynaa in ayshirarkoodda ku qabsan karaan Xafiisyadooda dhexdooda balse ay reeban tahay in ay banaan bax ku sameeyaan meel xafiiskoodda ka baxsan


Dadweynaha reer s/land gaar ahaan kuwa caasimadda Hargeysa waxaanu la socodsiinaynaa inay mamnuuc tahay banaan bax aan fasax loo haysan kaasi oo halis ku ah nabad-gelyada dalka khalkhal galena ku abuuri kara Geedi-socodka nabada iyadoo laga yaabo inuu cadowgu ku soo dhex dhuunto



Sidaas awgeed waxa daweynaha lala socod siinayaa in ay ka feejignaadaan kana digtoonaadaan cid kasta oo u hadoodilaysa wax cadowgu uu ka faa’iideysan karo,qofkasta oo s/land ahna waa inuu dhiniciisa ka ilaaliyo.

 

 



Waaheen