Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Oo ka qeyb Gas hay Shir Caalami ah Oo
ay isku Yimaadeen Dalalka Bariga Afrika
Addis Ababa (TNN) :- Waxaa maanta ka furmay Magaaladda Addis Ababa ee
Dalka Ethiopia ga ar ahaan Hoolka shirarka ee Xarunt Matxafka Qaran
ee dalka Ethiopia(National Museum of Et hiopia-HQ ) shirkii 6aad ee
uu Qabto Ururka Bariga afrika ee xaga cilmi baadhista adaamaha ee
loo yaqaano(EAAPP).Shirkani waxa oo socon doonaa mudo saddex
maalmood, waxaa ka soo qayb galay madax iyo aqoonyahano iyo Cilmi
baadhayaal ka socday dalalka bariga afrika oo ay somaliland ku jirto
,Europe iyo Maraykanka.
shirkaasi waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska
Dawladda Fadaraalka Ethiopia Marwo: H.E Dr. Hirut Weldemariam waxay
Wasiiradu hoosta ka xariiqday ahmiyada Cilmi baadhistu ugu fadhida
dalalk bariga afrika gaar ahaan xaga Dalxiiska iyo sidii loo baadhi
lahaa waxyaabaha qadiimka ee ay leeyihiin Dalalka Bariga Afrika ,
waxayna uga mahadnaqday ururka soo agaasime shirkan oo ah Ururka
Bariga afrika ee cilmi baadhista ee loo yaqaano (EAAPP).
waxa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Bariga Africa ee
xaga cilmi baadhista Mr. Zeresenay Alemseged oo sheegay in ujeedada
shirkani tahay siddii dalalka bariga afrika iskaga gaashan lahaayeen
cilmi baadhista aadamaha iyo degaanada qadiimka ah ee loo yaqaano (Paleontology
and Paleoanthropology) iyo sidii loogu heli lahaa cilmi baadhistaasi
kharashka ku baxay oo ay dawladu u taageeri lahaayeen. Gudoomiyihu
Ururkaasi wuxuu madasha ku soo dhaweeyay dhamaan ka soo
qeyb-galayaashii shirka, wuxuna Carabka ku dhufta in Somaliland
markii ugu horeysay ay ka soo qeyb-gasho shirkani oo sanad walba ka
qabsooma afrika, wuxuuna uga mahadnaq Somaliland ka soo qeyb galka
shirkaasi, waxaana madashaasi sacab iyo wajiyo farxad badani ka
muuqato lagu soo dhaweeyay labadii Xubnood ee ka socday Somaliland
oo kala Ahaa:
Mr.Cabdiqani Axmed Xassan “Goole” oo ah Agaasimaha W.Siyaasadda ee
Wasaaradda Arrima ha dibeda&iska. Caalamiga ah iyo Marwo Asma Cismaan
Cabdi –oo ah Hawl-wadeen ka tirsan wasaaradda. Soo dhaweyn ka dib,
Agaasime Cabdiqani wuxuu ugu mahadnaqay Gudoomiyaha ururka bariga
afrika sidda wanaagsan ee uu ugu soo dhaweeyay Somaliland shirkaasi
wuxuuna intaasi ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay in ay xubin
ka noqoto ururka bariga afrika ee xaga cilmi baadhista.
Intii uu shirku socday, waxay Cilmi baadhayaal ka socday dalalka
Mareykanka , Talayaaniga , Sp anish-ka , Swiss-ka ,Tanzania ,Kenya
.Ethiopia, South afrika ay halkaasi ku soo bandhigeen cilmi baadhis
kala duwan oo ku saabsaneyd Asal-ka dadka afrikaanka ah iyo asaarta
qadiimka ah ee degaano ka mid ah dalalka bariga afrika.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda&Isk. Caalamiga ah, ee
Jamhuuriyadda Somaliland
|