Wasaarada Maaliyadda Oo Ku hawlan diyaarinta Miisaan iyadii Ugu
balaadhnayd ee Somaliland Yeelato
Hargeysa (TNN)-Miisaaniyada
dawlada ee sanadka soo socda ee 2012-ka oo haatan diyaarint eedu ka
socoto xarunta Wasaarada Maaliyada ee magaalada Hargeysa ayaa la
filayaa in ay noqon doonto miisaaniyadii ugu balaadhnayd ee
Somaliland weligeed yeelato.
Sida ay tibaaxayaan ilo wareedyo ku dhow dhow saraakiisha Wasaarada
Maaliyadu miisaaniy ada cusub ayaa lagu wadaa in ay noqon doonto
miisaaaniyad ilaa toban milyan oo doolar ka badan miisaaniyadii
sannadkan dhamaanaya ee 2011 oo dhamayd 82,000,000 oo dollar, sidoo
kalena boqolkiiba konton ka badan miisaaniyadii sannadii 2010-ka oo
dhamayd $ 50,000,000. Lacagtan ku korodhay miisaaniyada dawlada ee
sannadka 2012-ka ayaa la saadaalinayaa in a y ka soo bixi doonto
ururinta cashuuraha waawayn ee ka soo xerooda Kastamada, cashuurah a
beriga oo sannadkanba lacagtii ka soo xeroon jirtey kordhay in ka
badan 265% jeer, iyo cas huuraha kale ee ka soo xerooda meelaha ay
ka midka yihiin, Isgaadhsiinta, cashuurta iibka, ca shuurta haamaha
shidaalka, iyo hay’adaha kala duwan ee dawlada, sida Wakaaladaha
biyaha, Korontada, Madbacada qaranka iwm.
Wararkani waxa kale oo ay intaas raaciyeen in miisaaniyadaasi noqon
doonto miisaaniyad Qar an oo aan sidii miisaaniyadihii ka horeeyey
ku koobnayn dakhli iyo kharash oo keliya, balse ay ku jiri doonaan
mashaariic waaweyn oo horumarineed iyo dhamaanba hantida kala duwan
ee dawladu leedahay sida, gaadiidka, daaraha, gaadiidka dawlada,
qalabka xafiisyada dawlada, iyo guud ahaanba wixii hanti ah ee
qaranku leeyahay.
Kuwaas oo miisaaniyada cusubi muujin doonto tiradooda iyo
qiimahoodaba, isla markaana loo samayn doono diiwaankii hantida
qaranka oo lagu qori doono wax kasta oo hanti qaran ah si looga
hortago in lagu tagri fallo hantida ummada, isla markaana loo ogaado
xafiis kasta wixii qalab iyo hanti dawladeed ah ee yaala. Taas oo
looga dan leeyahay in aanu masuulkii xilka lag a wareejiyaa sii
lunsan hantidii dawlada ee uu gacanta ku hayey.
Miisaaniyada dawlada ee sanadka 2012-ka ayaa la sheegay in ay xooga
saari doonto horumar inta adeegyada bulshada ee aasaasiga ah sida
Caafimaadka, Biyaha, Xoolaha, Beeraha iyo waxbarashada.
Korodhka xooga ah ee ka muuqda miisaaniyadan cusubi waxa uu imanayaa
iyada oo uu jirey walaac xoog leh oo laga qabay suurto-galnimada
miisaaniyaddii dawlada ee sannadkan 2011 ay wasaarada maaliyadu soo
bandhigtay oo 30% ka badnayd miisaaniyadii sannadkii 2010, isla
markaana ay ku jirtey mushahar kordhin boqolkiiba boqol ah oo
lacagta loogu kordhiyey c iidamada iyo shaqaalaha dawlada oo dhan,
taas oo dad faro badani ka wer wersanaayeen sid a ay lacagtaasi ku
soo xeroon doonto. Inkasta oo odoroskii miisaaniyada 2011-ku noqday
mid sidii Wasaaradda maaliyadu ugu taalo-gashay u hirgalay, wixii
walaac laga qabay oo dhana meesha ka saaray.
Dhinaca kale Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyada
ayaa beryahan danbe ku hawlanaa dadaal xoog leh oo ay ugu jiraan
sidii kor loogu qaadi lahaa soo xeraynta dakhli ga iyo cashuuraha
dawlada, waxaanay xafiisyo cusub oo cashuuraha lagu ururiyo ka
furteen 22-ka xaafadood ee hoos yimaada shanta waaxood ee magaalada
Hargeysi ka kooban kuwaa si oo cashuuraha lagu qabto isla markaana
lagu diiwaan geliyo wixii meherado ganacsi ah ee xaafadahaas ka
furan.
Source: Wargeyska DAWAN
|