Wasaarada Maaliyada Oo Kordhisay Cashuurta Qaadka Iyo Gaadiidkii Qaadka Oo Dhex Tuban Xayn Daabka Kastamka Kala Baydh
 

 

 


Mulkiilayaash qaadka ayaa baaq u direy Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Maaliya da somaliland ......

Gabiley (TNN) wasaarada maaliyada somaliland oo shaley galinkii danbe ku Kordhisey Tacriifa da Cashuuraha Qaadka ayaa xiisad ka Abuurtey Guud ahaanba Qaadlayda iyo Kastamka kalab aydh, Gaadiidka qaadka Ka keen itoobiya ee usoo qaada somaliland iyo puntland ayaa xaley ku Xanibnaa kastamka kala baydh kadib markii wasaarada maaliyadu Digreeto kasoo saartey Tacriifad cusub.

Mulkiilayaash qaadka ayaa baaq u direy madaxweynaha somaliland iyo Wasiirka maaliyada so maliland kuwaasi oo ka codsaday in arintani dib u eegis ku sameeyeen oo aanay ku degdegin

Qaarka mid ah dadkii qaadka lahaa ayaa Cabasho weyn ka muujiyay ku xanibaada lagu xanib ey Kastamka Qaadka Kalabeydh taas, oo ay Masuuliyiinta Kastamka Qaadka Kalabeydh ku wa rgaliyeen in aanay waxba ka qaban karin, oo ay iyagu haystaan amarka Digretada Wasiirka Maaliyada oo maanta la soo gaadhsiiyay lama garan karo ilaa hada waxay xaaladaasi ku dam beyn doonto.

Sida ay Timacade News u xaqiijiyeen Qaar kamid Gaadiidleyda Qaadka ee Ku Xanibnaa Kastamka qaadka Kalabeydh waxa Gaadiidkaasi kasoo kexeeyay dhinaca Tog-Wajaale Ciidamada Ilaala da Cashuuraha iyagoo awal horeba si kalsooni ku dheehan tahay ku iman jirey Kastamka Kal abeydh.

Si kastaba ha ahaatee hadalheynta arintan ayaa, caweysnkii xalay iyo maanta siweyn looga hadalhayay Magaalooyinka Gabiley iyo Hargeysa iyadoo dadweynuhu aragtiyo kala ka bixinayeen,Waxaan maanta hoos u dhacday dakhligii kasoo xeroon jirtey kastamka kala baydh.

Hadaba galinkii danbe ee maanta ayey shabakada wararka ee Timacade News booqatey kasta mka kala baydh si,ay waxa uga waydiiso arintan masuuliyiinta kastamka,iyada oo ay noo suu ro galiweyday kadib markii uu taliyahaha kastamka kala baydh ishortaagay albaabka kastam ka.isla markaana hanjabaado kala duwan uu kula kacay Suxufiyiintii wax ka waydiisay arinta asi.

Sidoo kale warar aanu ka helnay Magaalada Bali gubadle ayaa la sheegay in Qaad lagala cararay Kastamka kalabaydh la mariyay halkaasi, taasi oo dadka qaarkii sheegayaan in Dakhliga kastanka kala baydh loo wareejiyo dhinac Gobolka hawd si dakhliga gobolka kor loogu qaado, loona dajiyo Dadka xukuumadda ka soo horjeeda.

 


c/raxmaan xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland