wasaarada kaluumeysiga somaliland iyo hayada i.o.m oo qalabka lagu kaluumeysto gudoonsiiyay kaluumeystada Gobolka saaxil
 


Berbera (TNN)-Waxa maanta xaflad balaadhan loogu qabtay xarunta Jaamacada Badda Berbera  kaluu meysto tiro badan oo katirsan iskaashatada kaluumeysiga ee somfish waxaana xafladaa qalabka lagu gudoonsiinayay kaluumeystada ka soo qeyb galay wasiirka wasaarada kaluumeysiga iyo khayraadka bada Dr Maxamed Yaasin Xasan iyo Gudoomiyaha golaha deegaanka berbera ahna Duqa degmada  cab dale maxamed carab iyo isuduwaha wasaarada kaluumeysiga ee Gobolka saaxil c/qaadir ismaacil faarax waxa iyaguna ka soo qeyb galay masuuliyiinta hayada deeqdan soo bixisay ee i.o.m waxaana xaflada daadihinayay masuuliyiinta iskaashatada somfish oo iyagu baryahan danbe siminaaro iyo aqoon kordhsi u qabanaayay qeybaha kala duwan ee kaluumeysatada waxaana halkaa lagu soo badhigay qalab aad u mihiima oo ay kaluumeystadu aad ugu farxeen qiime weyna ugu fadhiya aadna ay ugu baahnaayeen waxanay wasiirka iyo masuuliyiinta hayada i.o.m ba halkaa ka sheegen in aanay deeqdani intaa ku  koo bnan doonin ee ay dhinacyo badan ka caawin doonan balse ay taasi ku xidhan tahay sida ay uga  faa'ii deystan deeqdan hada la siiyay waxaanay sheegen in hayadani ka socoto wadanka Japan.

Waxaa kale oo kaluumeystada aad looga wacyigliyay in ay ka shaqeyaan nadaafada bada iyo ta  qalab ka ay ku shaqeysanayaaba iyo in ay ka fogaadaan wax loogu yeedho budhcad badeeda iyo waliba in ay ka shaqeeyan ilaalada bada Somaliland wixii ay arkaan ee amniga waxyeelayana ay ciidamada bada soo ogeysiiyan waxaana deeqda maanta la gudoonsiyay in kabadan (80)xubnood kaluumeysato ah  qalabka n ayaa ka koobnaa dhamaan agabka lagu kaluumeysto oo dhan waxaana ka maqnaa oo qudha  laashas hkii waxaana kamid ahaa 10 toban dumara oo iyagu haysta meelaha lagu iibiyo kaluunkan laguna shiilo waxaanay oo qalabka lagudoonsiiyay

waxaana ugu horeyn halkaa hadal koobab kayidhi isuduwaha wasaarad kaluumeysiga ee gobolka saaxil c/qaadir ismacil faarax waxana hadaladiisi kamid ahaa”waxaan u mahad celinayaa hayada i.o.m ee  ina gu caawisay qalabkan qiimaha leh waxaana caawimadan suuragaliyay wasiirka wasaarad kaluumeysiga ee Somaliland dr maxamed yaasiin xasan iyo iskaashatada somfish . waxa isna halkaa ka hadlay duqa degmada berbera cabdale maxamed carab”waxa marka hore aan mahad u celinayaa wasiirka wasarada kaluumeysiga oo marka aad eegto wakhtiga yar ee uu shaqeynaayay iyo waxa uu qabtay ay aad u kala badan yihiin waxaanan ogey in uu aad ugu dadaalayo horumarinta kaluumeysiga waana nin ku nasiib wanaagsan shaqada uu qaranka u hayo anaguna horena waanu ula shaqeynay imikana waanu garab taagan waana la arkaa da daalkii wasiirka midhihiisi maanta oo deeqdan ayaa kamida. Gudoomiyaha  isk aashatada kaluumeyiga ee gobolka saaxil ayaa isna yidhi sedan”marka hore waxan u mahad cel inayaa wasaarad kaluumeysiga iyo haayada i.o.m ee qalabkan qiimaha badan nagu caawisay waxanan sigaara ugu mahad celinaya wasiirka oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay in ay dabatadu qalab hesho  kal uumeysatadana waxan dareensiinayaa in qalabkani yahay hati ay leeyihiin oo aanay wasaarad iyo  ha ayadi toona laheyn waxaana laga rabaa in ay ilaashadan.

Waxa ugu danbeyntii halkaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka akhriyay wasiirka kaluumeysiga  Dr maxamed yaasiin xasan “deeqdan maanta aad arkeysan waa mid loo dadaalay waxaanan u tagay wadanka Kenya waanad arkaysan qiinaha ay leedahay waxa idinkana laydin ka rabaa in aydaan khasa arin ee aad ka midha dhalisaan kana faa.iideysatan waxbadan oo kalena waan idiin ogey oo way soo socdaan waxan aad ugu faraxsanay dadaalkaygii oo maanta midhala waxana arimahan igala shaqeeyay gudoomiyaha kaluumeysatada ninka layidhaahdo yuusuf cambar wax kale oo aan halkan uga mahad celinayaa hayada i.o.m iyo hawl wadeenadeeda imika inala jooga waxan kaluumeystada kala dar  daa rmayaa in ay ilaashadaan badooda wixii budhcad badeeda ee ay arkaana waa in ay ciidamad u soo sheegan oo aanay qarinin

 


Maxamed Ismaaciil Cumar
Timacade News Reporter
Berbera Somaliland