Wasaarada Duulista somaliland oo diyaaradii ugu horays ay ka celisay
garoonka diyaaradaha ee hargeisa oo muqdisho ruqsad uga soo qaadatay
Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland, ayaa manta Hawada ka celisay
diyaar siday raka ab...........
Hargaysa (TNN) :- wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa manta
Hawada ka celisay diyaar siday rakaab, taasoo ruqsad madaaraka
Hargeysa uga soo qaadatay Muqdisho.
Diyaaradan oo ku dagtay markii danbe magaaladda Gaalakacayo ayay
wasaaradda Duulistu ka soo saartay War-saxaafadeedkan.
War-saxaafadeed: Ka Soo Baxay Xafiiskii Wasiirka Duulista Hawada Iyo
Gaadiidka Cirka Somaliland
Ujeedd: Hawada Somaliland
Xukuumadda Somaliland waxay hawadeeda ka eridey diyaaradii ugu
horeysay ee ogolaanshiiyo ka soo qaadada magaalada Muqdisho ee dalka
Somalia ee aynu jaarka nahay, diyaaradan nooceedu ahaa SS34 ayaa
isku dayday in subixii hore ee saaka ay ka soo degto garoonka
caalamiga ah ee Igal International Airport, balse markii uu tower-ka
Somaliland ogaaday in ay hawada Somaliland ay soo gashay diyaarad
Permission ka haysato Muqdisho, ayay masuuliyiinta Wasaarada
Duulista Hawadu ku amreen in ay ka baxdo hawada Somaliland,
Somaliland Air space.
Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa in dowladda Somaliland ay awood
buuxda u leedahay in ay control adag ku samaysa haweeda, Permission
ama ogolaansho laga soo qaatay magaalada Muqdishona aanay diyaarada
sidadaa soo geli Karin hawada Somaliland soona fadhiisan Karin
garoomada jamhuuriyada Somaliland.
Somaliland waxay leedahay xuduudo hawo iyo kuwo dhuleed oo u gaar ah
kuna qotonta qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland, sidaa
darteedna aanay Somaliland cidnaba aanay ka aqbalayn in ay hawadeeda
ku soo xadgudbaan diyaarado aan fasax ka haysan dowladda Somaliland,
gaarana ahaana Wasaarada Duulista Hawada oo xukuumadda madaxweyne
Axmed Siillaanyo ugu wakiil ah arrimaha duulimaadyada iyo ilaalinta
hawada Somaliland.
Waxaanu u sheegaynaa kuwa ku riyoonaya in permission laga bixiyey
magaalada muqdisho lagaga degayo Somaliland, ay tahay riyo been ah
ayna ku cimro qaataan tan maanta Somaliland hawadeeda kaga eridey
diyaarada muqdisho ka soo qaadatay ogolaanshiiyaha beenta ah.
C/laahi Axmed Caarshe.
Chief Of Protocol-ka Wasaarada Duulista Hawada somaliland
|