Somaliland: Wasaarada Caafimaadka Ayaa Ka Masuul Ah inuu xidhmo Wajaale Hospita

 

 

Wajaale Hospital oo furnaa mudo yar ayaa xidhmay iskuna su bedelay goob laga raro xoolaha. Hospitalku oo ay baxday lacag gaaraysa $1.5 million dhismihiisa iyo qalabayntiisa. Waxa maamulayey Wasaarada Caafimaadka. Hospitalku waxa ka shaqeenayey 30 qof oo ay ku jiraan 4 dhakhaatiir oo ka soo baxay jaamacadaha qaranka.



Maxay ku dhacday in Wasaarada caafimaadka aysan ka warhayn xaalada uu ku sugnaa Hospitalku? Maxay ku dhacday shaqaaluhu , oo u badan haween, in aysan mushahar qaadan 7 bilood?



Masuuliyada Caafimaadka wadanka waxa ka masuul ah Wasaarada Caafimaadka. Isuduwaha Wasaarada caafimaadka ee gobolka ama kormeeraha Guud Wasaarada Caafimaadka maxay shaqadooda u qabsan waayeen?



Halkan waxa ka muuqata masuuliyad daro tii ugu xumayd. Sida dhaqan ka noqotay Somaliland--qabyaalad qaawan darted----marnaba ma dhacayso in dadkii arrintan masuulka Ka ahaa lala xisaabtamo oo talaabo laga qaado.



Gabiley waa deegaan baaxad weyn oo u baahan inay magaalo ama deegaan walba ay yeelato gole deegaan oo ismaamula. Laakiin, mayorka Gabiley ayaa maamula dhulkaa baaxada leh, maamula, miisaaniyada gobolka Gabiley—-ku koobay magaalada Gabiley oo keliya. Taas oo dhalisay horumar la’aan deegaanadii kale.



Dad fara badan ayaa aad u suluugsan habka uu u shaqeeyo 21 xubnood ee golaha deegaanka ee Gabiley. Hawshooda waxay ku kooban tahay oo keliya Gabiley. Gobolku horumar la taaban ma gaarin. Maamul xumo iyo musuqmaasuq ayaa meel walba Ka jira.



Dadweynaha reer Gabiley war kama hayaan dakhliga soo gala, iyo waxa, meesha mashaariicda miisaaniyada lagu bixiyey.



Maxaase keenay xildhibaano deegaan oo ay dadweynahu ay toos u soo doorteen in ay ka amar qaatoan nin lagu sheegay “ Xoghayaha Dawlada Hoose” oo ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha, ama guddoomiye gobol oo Burco laga soo xambaaray?



So ma habboona in wajaale, Arabsiyo, Allaybaday iyo Gabiley mid walba u lahaado mayor dadka ay si toos u soo doortan iyo gole deegaan oo aan ka badnayn 3-4 qof. Waa sida ay addunnka uu u shaqeeyo.Mayorka iyo golahaas ay masuul ka noqdaan siday ugu adeegi lahaayeen dadka soo doortay.Sida uu dastuurka JSL uu dhigayo, kana shaqeeyaan arrimaha nabadgelyada, caafimaadka, biyaha, dhulka iyo horumarinta dhaqaalaha deegaankooda.Haddii ay shqadooda ay ka soo bixi waayeen, dadweynaha ayaa ku ridi kara codkaada.



Waa inuu degaanadaas ay wada shaqeyn ka dhaxaysaa sidii gobolka loo horumrin lahaa, miissaniyada gobolka Gabiley iyo mida dawlada dhexe, si xaq loo qaybsadaa, oo aan lagu kooban oo keliya magaalada Gabiley.



Mayorka Gabiley—-oo isku haysta inuu meesha u fadhiyo maamulka Biixi iyo Xisbiga Kulmiye, ama uu yahay afhayeenka Wasaarada Caafimaadka, waa inuu hawshiisa ku koobnaataa magaalada Gabiley iyo hareeraheeda “Gabiley and surrounding areas”. Waxa haboon inuu faraha kala baxo arrimaha deegaanada kale.Deegaan walba arrimahooga waa inay iyagu u madaxbanaan yihiin.



Marka uu mayorku ka hadlayey cida ka masuulka ah inuu xidhmo Wajaale Hospital, waxa uu yidhi, “ Wasaarada Caafimaadku way u hawl gashay Wajaale Hospital,” waxa kaloo uu raaciyey in Wasaarada Caafimaadka aysan masuul ka ahayn inuu xidhmo Hospitalku. Isagoo ku eedeeyey bulshada reer Wajaale inuu Hospitalku xidhmo. Laakin, mayorku miyaanu ogayn in masuuliyada ugu weyn Caafimaadka wadanka uu saran yahay Wasaarada Caafimaadka



Marka uu mayor Gabiley uu ka hadlaya Wajaale Hospital, Xaggee ayuu maray mayorkii Wajaale?Gabiley iyo Wajaale waxay isku jiraan 25km.



Xidhitaanka Wajaale Hospital waxa ka masuul ah: Madaxda ugu saraysa ee Wasaarada Caafimaadka, ay ku jiraan Wasiir , Agaadinaha Guud, iyo ilaa iyo isuduwaha Caafimaadka ee gobolka. Waxaa Ka masuul ah mayorka Wajaale iyo wakiilada wajaale ee ku jira golaha deegaanka Gabiley. Waxaa Ka masuul bulshada reer Wajaale oo ogolaaday ama indhaha ka qabsaday hospitalkii magaalada oo xidhmay. Waxaa kaloo Ka masuul ah masuuliyiinta reer Wajaale ugu jira maamulka Biixi.



Masuulyiintaas oo soo guulwadeeyo marka uu madaxweynuhu ama Xisbiga Kulmiye dano Ka leeyihiin ama codad Ka doonayaan deegaanka Wajaale.



Magaalada Wajaale aad iyo aad bay u fiday labaatankii sano ee ugu dambeeyey. Waana meelaha ugu dhul qaalisan Somaliland. Waxaa ka socda dhismayaal iyo bakhaaro waaweyn. Laakiin, wadooyin hagaagsan ma laha, adeegyada aasaasiga aad bay u liitaan. Waa nasiib-daro in dhawaan cusbitaalkii dad faro badan ay daryeel caafimaad ka heli jireen in albaabada loo xidho.



Maxaa la gudboon bulshada reer Wajaale oo ay dumarkoodu uurka leh aysan maanta haysan goob ay ku dhalaan ama daryeel caafimaad Ka helaan.



Waxa la gudboon inay samaystaan guddi maamusha Wajaale Hospital oo ka madaxbanaan Wasaarada Caafimaadka, sababtoo ah waxaad kaloo og tihiin xaaladaha ay ku sugan yihiin cusbitaalada ay maamusha Wasaarada Caafimmadka.



Hawsha ugu adag Waa maamulida Wajaale Hospital. Waa inay mar labaad is weydiyaan yaa maamulya cusbitaalka? Ma guddi madaxbanaan ayaa maamulaysa, mise Wasaarada Caafimaadka?



Dadweynaha reer Wajaale(Gudaha iyo Dibedaba) haddii ay isku duuban yihiin, hadafna ay leeyihiin, qorshe ay ku gaaarayaan hadafkaas ay la yimaadaan, illaahayna talada ay saartaan—Wajaale Hospital way maamulan karaan.



Reer Somaliland iyo Gabiley waa inay ku taageernaa hadba qorshaha ay la yimaadaan reer Wajaale. Somaliland waxa ka socda waa waali, qas iyo qabyaalad qaawan. Madax masuuliyad qaadanaysa ma jirto. Sidaas darteed waxa habboon in deegaan walba inay maamushaan arrimahooda si dadweynuhu u helaan daryeel caafimaad iyo nabadgelyo sida dastuurka JSL uu dhigayo. Wixii kale waa fawdo iyo qab-qabsi hor leh.



Intaas waa iga talo iyo tusaalayn aan doonayo in la wadaago reer Somaliland, gaar ahaan reer Wajaale.

 

 


Ali-Guban Mohamed
Founder and Editor
Gubanmedia.com