Wasaarada Boosha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ,oo maanta xilkii si rasmi ah uu ula wareegay Wasiirka cusub ee loo soo magacaabay dhawaanta.

 



Wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta somaliland ....


Hargaysa (TNN):- Wasiirka cusub ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta maxamed jaamac abgaal ayaa maanta xilkii kala wareegay wasiirkii hore wasaaradaasi cali cilme geele, xil wareejintan oo ka dhacday maanta xarunta wasaarada boostada iyo isgaadhsiinta ee hargeisa ,

ayaa waxaa ugu horeyn halkaasi hadal kooban ka jeedieyy agaasimaha wasaarada boostada iyo isg aadhsiinta xasan cumar hoori ayaa ugu horayn halkaasi kaga waramay xilwareejinta maanta iyo qaabka wasaarada ay u shaqeyso iyo xidhiidhka ka dhexeeya shirkadaha isgaadhsiinta iyo wasaar ada ,

waxaa kale oo uu ka xog waramay furaha dibada ee ka dhexeeya somaliland iyo somalia ee dibada lagaga so ogaraaco ee 252 kaasi oo uu sheegay in ay wadaan qorshe ah in ay wada maamulaan fu rahaasi oo aanu hoostagin somalia oo kaliya balse ay wada yeeshaan labada dal waa sida uu hadal ka u dhigaye. oo ay jiraan aduunkaba dalal badan oo fure kaliya uu ka dhexeeyo tan ay la mid noq oto sida dalalkaasi.

waxa uu gabo gabadii ka waramay heerka wasaarada ay marayso oo uu ku sheegay in ay tahay wa saarada ugu liidata dalka dhinaca horumarka oo uu dayac badani ka muuqdo haday tahay xaga dhis maha iyo baabuurta ay leedahay wasaarada oo iyaguna aad ugu yar ama iyagoo wada xumaaday ay wasaarad ka dhex buuuxan, wax ka qabadna ay u baahan yihiin wasiirka cusubina uu ka hawl galo.
waxaa isaguna halkaasi sidoo kale hadalo u badnaa kaftan ka jeediyey wasiirka xil wareejiyey ee cali cilmi geele isagoo wasiirka ku soo dhaweeyey wasaarada iyo dayaceeda ka muuqdaba,oo uu sheegay in wasaarad ay tahay sidii uu ugu yimid xaga dayaca oo aanu waxba ka qaban karin balse ay u baahan tahay in wax laga qabto oo uu wasiirka cusubi u hawl galo .

waxaa kale uu uu wasiirka hore sheegay in uu wasiirka ula shqeyn doonaan sidii isaga ay ula shaqey n jirtay beeshu isaga uu la garab taagan yahay wixii talo iyo tusaale ahba.
Waxaa munaasibaasi kooban ee ay xilka kula kala wareegayeen wasiirka cusub iyo wasiirka hore ee boosaha iyo isgaadhsiinta hadalo kooban oo kaftan u badnaa in uu intii kartidiisa ah la shaqeyn doono dhamaan shaqaalaha k hawl gala wasaarad oo uu waji wanaagsan kula shaqeyn doono.

Gabo gabadii waxaa halkaasi shahaado sharaf lagu gudoon siyey wasiirkii hore ee wasaaradaasi cali cilmi geele oo uu gudoonsiiyey agaasimaha guud ee wasaaradaasi xasna cumar hoori

 

 

 

Jimcaale Dayib Aw-Cali
Timacade News Desk
Hargeisa,Somaliland