Warsaxafadeed Xoghaya Guud ee Xisbiga
Udub

Saxaafadu waxay door wayn ka ciyaartaa horumarinta bulshada waana
muraayada laga daawan karo bisaylka Siyaasadeed iyo Bulsho ee
umadeed, waxaana lagu tila maama dhadhaarka Afraad ee Dawladnimo.
Saxaafadu inta badan waxay u kala baxdaa sidan soo socota
Ø mid madax banaan oo dhex-dhexaad ah
Ø Mid ku hadasha af-dawladeed ama Xisbi .
Somaliland ilaa hada waxaa ka jira mid isku magacawda inay madax
baan tahay iyo mid Dawalada afkeeda ku hadasha.
Hadaba, ta ku hadasha Afka Dawlada ujeedadeedu way cadahay, Hase
yeeshee,w axaa baryahan danbe muran ka tagnaa dhex-dhexaadnimada
Saxaafada Madaxa banaan qaarkood, kuwaas oo lagu dhaleecaynaayay
wararka ay tabinayaan inay yihiin kuwa dhinac ka raran oo aan
miisaanayn, taasoo marlawba xad gudub ku ah madax banaanida iyo
dhex-dhexaad nimada ay ku andocoonayaan.
Baryahan danbe waxaa isa soo tarayay oon marag ma doon ah in uu
Wargeyska Jamhuuriya u xaglinayay dhinaca Xisbiga Mucaaridka ah ee
Kulmiye, taas oo ay dal iil u tahay qaloocinta, wararka ka soo
baxa Madaxda Xukumada iyo Xisbiga UDUB isla markaana buunbuuninaaya
kordhinayana wararka Xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale waxaa si taxana ah ugu soo baxa warar ku salaysan
dhaleecayn, Been abuur, iska horkeen, jahwareerin, iyo khal-khal
galin guud ahaan daganaashaha iyo Xasiloonida Dalka.
Wargeyska Jamhuuriya waxay had iyo jeer isku taxaluujisaa ururinta
wararka wax yeelaya ama dhaleecaynaaya Sharafta, Xornimada iyo
Karaamada Qaranimada So maliland, marka ay warbaahinta
Caalamku ka qaadato wararkaas aan xaqiiqada ah ayn sida marar badan
dhacday.
Tuhunkii Dadwaynaha ee ahaa in Wargeyska Jamhuuriya iyo wararkiisuba
Xisbiya ysan yihiin, waxaa nasiib wanaag ah in Gudoomiyaha Xisbiga
Mucaaradka ah ee Ku lmiye uu Mulkiilayaashii iyo Tifatiraha
Guud ee Wargeyska Jamhuuriya (Faysal Cali Sheekh iyo Xasan Siciid
Yuusuf ) u magacaabay inay ka mid noqdaan Guddiga Saxa afada ee
Xisbigaas.
Taasi waxay daaha ka rogtay in ay markhaati cad u noqotay tuhunadaas
ay Dadw eynuhu qabeen, haddaba waxa uu Xisbiga UDUB u
cadaynayaa dadweynaha Reer Somaliland in Wargeyska Jamhuuriya uu
yahay mid uu leeyahay Xisbiga Kulmiye, kuna hadasha Afka Xisbigaas.
Sidaas awgeed laga bilaabo maanta waxaan u sheegaynaa umada Reer
Somaliland in Wargeysaka Jamhuuriya ka baxay madax banaanidii iyo
xayndaabkii dhex-dhex aadnimada waxa kale oo aan ugu baaqaynaa in
Dadweynaha reer Somaliland u Aqo onsadaan Wargeys Xisbi.
Ugu danabayntii, Saxaafadda Madaxa Banaan waxaan ka tacsiyadaynaynaa
ka bixi da Wargeyska Jamhuuriya uu ka bexay xayndaabkii madax
bannaanida, waxa kale oo aanu ku hambalyeynaa Xisbiga Kulmiye
qaawinta ay qaawiyeen markii ay yeesh een Wargeyska Jamhuuriya.
Jaamac Yaasiin Faarax
Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB
|