WAR-SAXAFADEED GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID


 

 


Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID

Justice And Welfare Party

حزب العداله والرأفه

Date:24/2/2010

WAR- SAXAFADEED

Waxa Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID warsaxaafadeedkiisan ku soo qaadanayaa warbixintii socdaalkii gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo qaatay  mud do saddex bilood ah safar shaqana ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Ugu horayn waxaan ugu mahad naqayaa taageerayaasha, iyo hogaanka sare xisbiga  UC ID, Dadwaynaha Reer hargaysa iyo masuuliyiinta xisbiga kulmiye sidii sharafta iyo  maam uuska lahayd ee taariikhiga ahayd ee ay ii soo dhaweeyeen taaasoo xoojisay kalsoonidii aan hore u qabay inay guusha doorashada Madaxtooyada Aan hanan doono haddii alle yidhaahdo.

Aniga oo muddo saddex bilood ah ka maqnaa dalka hooyo ujeedada safarkayguna ahaa safar shaqo oo waliba boqolkiiba sideetan 80% danta qaranka ay ku salaysnayd.

Waxaan socdaallo ku marnay haddaanu nahay hogaanka sare ee xisbiga UCID siddeed dal (8 dal) oo kala ah cariga ingiriiska UK, Sweden, Belgium, Norway, Holland, Germany, iyo  Fi nland ,dhamaantood dalalkaasi waxay ka midaysnaayeen cabasho ay ka muujiyeen  deda al la,aanta iyo xidhiidh la,aanta soomaaliland iyo sidday u taageersan yihiin nabadda iyo dimuqraadiyada uu shacbigeenu ku tallaabsaday.

Waxay giddigood walaac ka muujiyeen dib udhaca joogtada ah ee ku dhacay doorashadii madaxtooyada ee dalka, oo wax tar badan oo wax u tari lahaa dadka iyo dalkaba ku  xidh an tahay,iyagoo digniina ka bixiyay inaan doorashada shacbiga dib u dhac danbe ku iman.

Dawladahaas oo dhami waxay ballan qaadeen inay taageero buuxda siin doonaan  doora shooyinka, Doorashada ka bacdina ay mawqifka qadiyada soomaaliland ka taagan yihiin dib u qiimayn doonaan,rajaynayaana inay ka soo baxdo doorashada dawlad shaqaynaysa oo kalsooni buuxda ka haysata shacbiga

Waxay nagu booriyeen in nabad galyada iyo xasiloonida la adkeeyo.

Dawlada SWEDEN waxay hadda ay bilowday inay innoola macaamisho inaynu gaar ka  na hay wixii la odhan jiray Soomaalia iyada oo hirgalisay markii ay haysay madaxtooyada  Y urub 6 bilood ee u danbaysay 2009 kii, inay warqadaha rasmiga ah ee ka soo baxa  midaw ga yurub lagu qori jiray Somaliland

Wadanka GERMANY waxa bisha soo socota badhtankeeda soo dirayaan wafti ka socda  h ay’adii GTZ , oo qiimaynaysa sidii dib loogu dhisi lahaa machadkii farsamada gacanta ee  B urco iyo sidii magaalada Burco loogu samayn lahaa haamo kayd ah oo biyaha kaydiya  ta asoo ilaa hadda magaaladu aanay lahayn.

Wadanka FINLAND oo waftigiisu hore u yimi wuxuu balan qaaday inay tababaro  siindoon a an Police-ka Soomaaliland,sirdoonka Somaliland, iyo immigration Somaliland iyaga oo  is la markaana 2 milyan doolar soomariyay hay,adda UNICEF si ay ceelal biyoodyo ugu  sam ayso reer guuraaga gobolada Togdheer , Sanaag iyo Sool ee biyo la’aantu ku soo noqnoqoto .

Wadanka NORWAY waxay keenayaan laba markab oo raadaal leh oo xeebaha Somaliland ka ilaaliya budhcad badeedka iyo sunta lagu aaso badda hoosteeda iyo kaluumaysatada bilaa sharciga ah, sidoo kale waxay tababar siinayaan ciidanka ilaalada xeebaha

Mudanayaasha ka tirsan baarlamaanka midawga Yurub ee taageera qadiyada Somaliland waxay balan qaadeen inay mooshin horgayn doonaan baarlamaanka Yurub si loo ictiraafo Somaliland doorashada ka bacdi .

Waxaan dhamaan u mahad naqayaa jaaliyadaha iyo madaxda laamaha yurub ee xisbiga UCID EE dalalkaas ee noo suurta galiyay inaanu hawlahaas qaran soo qabano,isla  mark aasna yididiilo fiican iyo midnimo hor leh muujiyay,

Waxay jaaliyadahaas oo dhami muujiyeen werwerka ay ka qabaan hogaanka UDUB ee maanta dalka hogaaminaaya,iyagoo werwer ka muujiyay sida dalku ku danbayn doono haddii maamulka UDUB soo noqdo inshaa allaahu ma soo noqonayee

 

ALLAA MAHAD LEH
 


Gudoomiyaha xisbiga UCID
Eng. Faysal Cali Waraabe