War-Saxafadeed: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.


 


Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay Xarunta Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa si wayn loogu dhaleeceeyay war ku soo baxay Wargeyska Madaxa bannaan ee Jamhuuriya oo dhawaan soo daabacay War sheegaya in Xoolaha ay dhoofiyaan Muwaadiniinta Somaliland una dirayaan Dalka Sacuudi Arabiya ay tahay

“Hadaladaa Deel qaafka iyo Meelka dhaca ah ee uu soo qoray Wargayska  Jamhu uriya dhawr jeerna lagu celceliyay in ay yihiin warar been abuura ah oo aan sal iyo raatoona lahayn, ujeedadooduna ay tahay in lagu Wasakheeyo laguna ceebeeyo hawlihii wax ku ool ka ahaa ee Dawlada Somaliland ay ku guulaysatay in xoolaheena loo furo Suuqyada Boqortooyadda Sucuudi Arabiya iyo kaalinta wax ku ool ka ah ee Wasaarada Xanaanada Xooluhu ka qaadatay,

Taas oo sida lagawada warqabo oon cidna ka qorsoonayn in Xoolaheenii maanta ay si toos ah ugu dhoofayaan Sayladaha Dalka Sucuudi Arrabiyaiyada oo boqoolaal  k un oo ka mid ah xoolaheena ay u dhoofeen Sayladaha Dalkaasi wakhtigii Xajka ka  d ib markii laga qaaday cuna qabataynii Saarnayd mudada Sagaalka sanadood ah.

Wasaaradda Xanaanada Xooluhu waxay umada Somaliland gudo iyo dibadba ay u  s heegaysa in qoraalada noocaas ah ee meel ka dhaca ah ee lagu baahiyay  Wargays ka Jamhuuriya in ay ka danbeeyaan dad mucaarid ah oo mar warba ka soo hor  jee da guusha Xukumada Somaliland ay u soo hoysay shacbiga Somaliland, waxana   ma rag ma doon ah in Wargayskaas Jamhuuriya uu noqday mid Xisbiyaaysan oo ka  fog aaday dhex dhexaadnimadii warbaahinta looga baahnaa.

Waxa kale oo aan ummada reer Somaliland u sheegayaa:-

Ø Waxan ummada Somaliland u sheegaynaa una bayaaminaynaa in cida qortay  ma qaalka Jamhuuriya ee arintaa ku saabsan aanay fahansanayn Shaqda Wasaarada Xanaanada Xoolaha, taas oo aanay jirin wax wada shaqayn ah oo ka dhexeeya  Wa saaradaasi iyo hay’aada UNCF

Ø Waxa kale oo aan ummada Somaliland aan u sheegaynaa in dhoofku Xooluhu  ya hay mihnad ganacsiya isla markaana aanu heli Karin caawimo lacag la aan ah, hadii ay tahay mid daawo iyo mid talaalba.

Ø Takale waxa kale oo aan halkan ku cadaynaynaa in nidaamka talaalka Lo”da u d hoofta Dalka Yeman uu yahay mid ay isla garteen heshiisna ku yihiin Xukuumada S omaliland iyo ganacsatada dhoofisa Lo”da.

Ugu danbayntiina waxaan ku soo gabagabaynayaa in hadaladaas been abuurka ah ee Wargaysaka Jamhuuriya soo qoray ee walibana aniga si gaar ah (personal atta ck) la iigu weeraray,waxaan u gudbiyay Xeer ilaalinta Qaranka”.


 


Allaa Mahadleh
Dr. Idiris Ibraahim Cabdi,
(W/Xanaanadda Xoolaha)