Warsaxaafeed ay Soo
Saartay Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,marwo Ilhaam Maxamed
Jaamac
Hargysa (TNN)-“Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu markey
daristey go’aankii ka soo baxay Xukuumada Somaliland markay
taariikhdu ahayd 04/09/2011 ee Ajaanabka sharci darrada dalka ku
jooga lagu saarayey.
Markay ku qanacday ahmiyada ay leedahay fulinta, dhaqangalinta iyo
hubinta ku dhaqanka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Jamhuuriyada
Somaliland Xeer LR 31/2004.
Markay aragtey baahsanaanta Shaqo la’aaneed ee dalka ka jirta iyo
ahmiyada loo qabo in muwaadiniinta bilaa shaqada ah shaqo loo abuuro.
Markay ogaatey inay jiraan dad badan oo ajaanab ah oo dalka sharci
darro ku jooga ama aan haysan ogolaansho shaqo oo dalka ka shaqeysta
hayana shaqooyin badan oo muwaadiintu qa ban karaaan.
Waxay soo saartey go’aamadan:
Dhamaan loo shaqeeyayaasha iyo Shaqaalaha Ajaanabka ee sharci
darrada dalka ka shaqeysta waxa la farayaa inay u hogaansamaan
go’aanka kor xusan.
Wasaaradu iyadoo fulineysa Qododka 32aad ee Xeerka Shaqaalaha
Rayidka ee Jamhuuriyada Somaliland Xeer LR-31/2004 oo si cad u
tilmaamaya reebbanaanta shaqaaleynta ajaanabka ayaa waxay faraysaa
dhamaan loo shaqeeyayaasha sida: Shirkadaha, Warshadaha, Guryaha,
Hudheelada, Hay’adaha iyo Goob kasta oo shaqo inay reebban tahay
shaqaaleysiinta ajaanab ka sifada sharci darrada ah dalka ku jooga
ama aan ruqsad shaqo ka haysan.
Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshaddu Dhamaan loo shaqeeyayaasha
ay wakhtigan goo bahooda shaqo ka shaqeeyaan ajaanabka aan buuxin
shuruudaha ogolaanshaha shaqo ama a an haysan ogolaansho shaqo waxa
la farayaa inay cidii buuxineysa shurruudaha ogolaanshaha dalkana
sharci ku jooga u dalbaan ruqsad shaqo si loogu ogolaado ama loogu
diido, cidii aan bu uxineyna kaga joojiyaan shaqada ay u hayaan kuna
badashaan muwaadiniinta xaqa u leh iyag oo raacaya dariiqa sharcigu
u jideeyey.
Qofka ajaanabka ee loo ogol yahay inuu Somaliland ka shaqeeyo ka dib
marka ruqsad shaqo la siiyo waa qof dalka sifo sharci ah ku jooga
haystana ogolaansho, islamarkaana shaqada uu qab anayo aan muwaadin
qaban kara Somaliland laga helayn, lana xaqiijiyo inay tahay shaqo
aanu muwaaddin qaban karin.
Dhammaan Shaqaalaha ajaanabka ah ee dalka kaga shaqeysta sifo sharci
darro ah ee aan buu xin shuruudaha looga baahan yahay in la siiyo
ruqsad shaqo waxa la farayaa inay dalka isaga baxaan farahana ka
qaadaan shaqooyinka ay hayaan.
Waxaa la sameyn doono kormeero lagu hubinayo in la fuliyey go’aankan,
cidii lagu helo inay u h ogaansami weydeyna waxa lala tiigsan doonaa
sharciga iyadoo lala kaashanayo hay’ada ku sh aqada leh.
Waxa laga codsanayaa Wasaarada Arrimaha gudaha iyadoo kaashaneysaa
laamaheeda amniga sida Booliiska iyo Laanta Socdaalka inay talaabo
sharciga waafaqsan ka qaado cidii aan u hogaansamin awaamiirta la
farey, dalkana ka saarto ajaanibta go’aamaddan ka dhago adeyga.”
|