Warsaxaafdeed Ka Soo Baxay, Socdaalka Waftiga Madaxweynaha
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Warsaxaafadeed. Djibouti, 03-15,2009

Madaxweynaha Jamhuuriyada
Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey
oo maalmahanba dalka kaga maqnaa booqashooyin kala gedisanaa oo uu
ku soo maray Dalka Ingiriiska iyo Dalka Etbhiopia, halkaasi oo ay
kula soo kulmeen Masuuliyiinta dawladahaasi, ayaa shalay galab soo
gaadhay Caasimadda Dalka Djibiouti ee Djibouti, halkaasi oo ay si
diirran ugu soo dhaweeyeen Masuuliyiin sar sare oo uu horkacayey,
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cali
Cabdi Faarax.
Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxa Huteelka ay deggan yihiin ee
Kempinski ku soo booqday caawa Masuuliyiin sar sare oo ka socda
Dawladda Fransiiska, kuwaasi oo kala ahaa, Admiral-ka Indian Ocean
ee Ciidamada Badda ee Fransiiska Mr. Gerard Valin, Safiirka
Fransiiska u jooga Dalka Djibouti Ambassador Dominique Decherf. iyo
Brigade General Phillippe Leffort, Taliyaha Ciidamada Fransiiska ee
Djibouti.
Madaxweynaha JSL, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Admiral, Gerard,
waxay si qoto dheer isaga warysteen arrimaha khatarta badan ee
budhcad badeedu ku hayso badaha Geeska Africa, kuwaasi oo
muddooyinkii dambena aad u sii xoogaystay, Madaxweynuhu waxa uu
Admiral-ka ku wargeliyey sida ay Somaliland uga go'an tahay la
dagaallanka budhcad badeeda, taasi oo uu Madaxweynuhu u sheegay inay
tahay lama huraan, isla markaana Fransiiska iyo beesha caalamkaba
looga baahan yahay in Somaliland ay ka caawiyaan sidii ay u xoojin
lahayeen Ciidamada Illaalada Badaha (Maritime Coastal Guards).
Admiral-ku waxa uu Madaxweynaha
ku hambalyeey, sida fiican ee Ciidamada Illaalada Badaha Somaliland
ay ugu heeganka yihiin la dagaallank budhcad badeeda, iyadoo waliba
aanay haysan adeegyo dhammaystiran oo ay kaga hawlgalaan badaha
Somaliland. Waxaana uu ballan qaaday Admiral-ku inay wax ka qaban
doonaan baahiyaha Ciidamada Booliiska badaha Somaliland.
Kullanka caawa masuuliyiint ku weheliyey Madaxweynaha waxa ka mid
ahaa, Ku Xiggeenka Wakiilka Somaliland ee France, Mr. Daahir
Qallinle iyadoo ay admiral-kana ku weheliyeen kullankaasi, Safiirka
Fransiiska ee Dalka Djibouti, iyo Taliyaha Ciidamada Fransiska ee
xaruntoodu tahay Djibouti.
Allaa Mahad Leh
Axmed Maxamed Ciise
Xog-hayaha Gaarka ah
ee Madaxweynaha JSL
|