Warsaxaafdeed Ka Soo Baxay Wasaarada Qorshaynta

 

Waraysi Wargayska SAXANSAXO la yeeshay Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Ku lmiye, maalintii arbacada, 28kii October 2009, wuxuu xoghayahu wareysigaas ku sheegay:

"In taageeraddi dawladaha reer galbeedku ay siinjireen Somaliland dib loo  dhig ay ilaa doorashooyinka ka dib. Cid imika kula soo deg degaysa Somaliland  mucaa winadeeda maamulka imika jirana aanay jirin, iyadoo imika dalku doorasho u  diy aar garaoobayo"

Warkaas uu bixiyey Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Kulmiye waa been abuur, sal iyo raadtona lahayn, oo aynay waxba ka jirin sababaha soo socda awgeed.

Kaw: Muu ahayn warkaassu mid rasmi ah oo uu soo xigtay xogo rasmi ah oo la sheegay. Haddu hayo xogahaas waa looga fadhiya inuu warkisaas ku saleeyo.

Laba: Arrimaha uu ka hadlay ee deeqda ku saabsan waxa rasmi ahaan ka wada xajoon kara dawlado sida Xukumadd Somaliland iyo dawlada kale ay khuseyso. Ma aha mid u taala oo cidi kal tashaneyso, rasmi ahaan, Xoghaye xisbi mucaarid ah.

Saddex: Warkaas la sheegay ma ah mid rasmi ahaan u soo gaadhay xukumada oo la hayo, haddii taasi jirina, waa waxkuma ool.

Afar: Deeqaha dawladaha reer galbeeku waxay soo maraan barnaamijka  dib u dhiska iyo horumarinta Somaliland (2008-20012). Barnaamijkaas oy ansixiyeen deeq bixiyaayaasha iyo xukumadda Somaliland dhamaadkii sanadkii 2007. Wax- iskabedeley barnaamijkaas oo ku saabsan deeqaha ka imanaya dawladaha reer galbeedkana, ilaa hadda, ma jiraan. Sidii loogu talogaleyna wuu u socda.

Barnaamijkaas oo ay fulintiisa ay masuul uga tahay xukumadda Wasaaradda Qorshaynta Qaranku.

Waxaa markaas Wasaaradda Qorshaynta Qaranku kula talineysa Xoghayaha Ar rimaha Dibedda ee Kulmiye inuu kawaantoobo ka dhawaajinta arrimo runta gar ab marsan oo laga yaabo inay dib ugu soo noqdaan.


 


Alla Mahad Leh,

Maxamuud Xuseen Muuse
Agaasimaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka,
Iskuduwidda iyo Xidhiidhita Ha'yadaha Caalamiga ah