Warsaxaafdeed Ka Soo Baxay Xisbiga UDUB UK

 


Madaxda Xisbiga Kulmiye Ha Qadariyaan Karaamada Qaranka S/Land, Hana Dhawraan Hab-Dhaqanka Diblomaasiyadda Caalamiga Ah

Madaxda Xisbiga Kulmiye Ha Qadariyaan Karaamada Qaranka S/Land, Hana Dhawraan Hab-Dhaqanka Diblomaasiyadda Caalamiga Ah, Oo Ah Shay Aad Loo Ilaaliyo Tixraaac war ku soo baxay 25/2/09 Websiteyada laga akhristo wararka S/land, Ayaa waxa lagu xardhay war laga soo xigtay XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADA EE XISBIGA KULMIYE, warkaas oo ah mid xaqiiqada ka fog, laguna durayo booqashada hore u qorshaysneyd ee uu dhawaantan ku imanayo Madaxweynaha S/land Mudane Dahir Rayaale dalkani Britain oo ay xukuumadiisu u fidisay Martiqaad Rasmiya. Safarkan maxdaxweynaha oo ku talagalKiisu ahaa in uu yimaado bishii Dec. 08, ayna dib u dhigtay Qaraxyadii lala beegsaday caasimadda Somaliland ee Hargeysa 29/10/08.


Xisbiga UDUB waxuu aad uga xun yahay hab dhaqanka Madaxda Xisbiga KULMIYE iyo Siyasadiisa lagu hagayo oo hada noqotay mid majora habowsan, kana ARADAN dhaqanka Siyaasadeed ee Axsaab Dal iyo Dad wada leh, ayna kaliya ka dhaxayso Tartan Xalaal ah oo kolba kii xukunka hayana lagu ag-joogo isaga oo dhaliishiisana loo sheegayo wixii uu wanaag qabtana lagu hambalyeynayo.
Waxa xusid mudan oo aan jecelahay in aan Shacbiga S/land u iftiimino dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE, oo maalin kasta ka sii durkaya dareenkii Wadaniyadeed ee ay umadeenu u baahneyd in ay AXSAABTA Qaranku baraan, una kordhiyaan shacbigeena socod baradka ah ee Dawladnimada iyo Dimuqraadiyaduba ku cusub yihiin.


Waxaaan halkani idinku xasuusinayaa warka Warbxinta lagu Faafiyey ee Xoghayaha dibada ee xisbiga Kulmiye iyo wasiirka Britain dhexmartay oo ah mid runtii Macquulka iyo Diblamaasiyadaba ka fog, una soo jiidaysa sumcad xumo Siyaasiyeenta Mucaaridka ee reer Somaliland, oo ay dawladuhu u akhrisanayaan una arkaan kuwo aan gaadhsiisneyn bisaylka ay shacbiga iyo xukuumada xilka haysaaba muujiyeen, oo ah mida maanta ay Deeqbixiyayaasha Caalamigu ku maalgaliyeen hawlaha DIIWAAN GALINTA iyo Doorashada MADAXWEYNAHA ee dhawan qabsoomo doonta haddii Eebba idmo.


Bal qiimee hadalka kooban ee aan ka soo qaadanay warbixinta uu qoray xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga KULMIYE Dr. Mohamed Cabdilahi, isaga oo sheegay “La tashiga KULMIYE iyo yeedhitaanka Daahir Rayaale waxay ka danbaysay warbixin uu xoghayaha arrimha dibadda ee KULMIYE dhawaan uu u gudbiyay dawladda Ingiriiska iyo barlamaankaba, taas oo ka turjumaysay dareenka siyaasadeed ee shacabka Somaliland iyo aragtida xisbiga KULMIYE ee ku wajahan sida uu madaxwayne Daahir Rayaale u maamulayo hawlaha diyaargarowga doorashooyinka madaxwaynaha iyo faragalinta sharciga khilaafsan ee uu ku hayo golayaasha qaranka.
Ujeedada kulankan maantuna waxay ahayd in ay dawaladda Ingiriisku si qoto dheer ugu kuur gasho dareenka haatan ka taagan Somaliland ee la xidhiidha doorashada madaxwaynaha iyo mawqifka xisbiga KULMIYE oo ah xisbiga mucaaradka ugu wayn, Arrimaha ay laba geesood kulankan ku lafa gureen waxaa ugu waynaa doorashada madaxwaynaha oo xukuumaddu ay ka shaqaynayso sidii mar kale dib loogu dhigi lahaa. Dr. Maxamed Cabdillahi wuxuu shirkan uu la galay dawladda Ingiriiska ka caddeeyay in haddii doorashadu wakhtigeeda dhici waydo ay masuuliyada dib u dhacaasi leedahay xukuumadda Daahir Rayaale, ee aan eedda dusha laga saari karin Komishinka Doorsshada Qaranka ama hayadaha shisheeye ee Somaliland la shaqeeya. Wuxuu xoghayuhu u sheegay Lord Mallach-Brown in arrinta dib u dhaca doorashadu ay ka turjumayso ujeedo siyaasadeed oo xukuumaddu leedahay, ee aan lagu sifayn karin cilad farsamo.”


WAA YAAB & YAAB!!! Waa Ayaan daro eh goormuu noqday Qarankii S/Land iyo M/Weynihii Umadu dooratay arday la dacweeyey, Kabiirkiisiina uu noqday Baarlamanka Britain oo looga yeedhay.


Dr. Mohamed oo ah qof Akhlaaq ahaan iyo Aqoon ahaanba dhisan oo macquul ah, helayna fursad qaali ah oo uu ku gudbin lahaa wax badan oo dalkeena iyo dadkeenu u baahan yihiin, kuna sharxi lahaa waxa la taaban karo ee Xukuumada iyo shacbigu qabsadeen, uuna Isaga oo aqoontiisa Isticmaalaya uu ku doodi kari lahaa wax qabadkaasi muuqda iyo xaquuqda umadeena laga duusiyey ee ah AQOONSIGA inagaga maqan, Dawladaha dunida Maamula ayna ka mid tahay dawlada Britain ee uu Wasiirkeeda la kulmay.


Hadaba waxa ka leexiyey Doodiisii waa Siyaasada Rasmiga ah ee lagu maamulo, laguna Hogaaamiyo Xisbiga Kulmiye oo loo laqimay laguna war galiyey in uu qaabkaasi u shaqeeyo, taasi oo ah:
In fursad kasta, cid kasta iyo meel kastaba uu Kulimye joogaba ka gudbiyo (DHALIISHA, BAYLAHDA IYO WIXII DIB U DHACA UMADA S/LAND MUUJINAYA, AYNA WEHELISO WAX XUN KA SHEEGA IYO WARARKA XAQIIQADA KA fOG EE LAGA FAAFIYO XUKUUMADA DALKA MAAMUSHA IYO MADAXDEEDABA). Dhaqankaasi oo KULMIYE bilaabay maalintii laga helay doorashada 2004-kii ilaa Maanta oo aan lix sano ka dib sugeyno qabashada Doorashadii Kale.


GABA-GABO
1. Xisbiga UDUB waxa u shacbiga S/land u caddeynayaa in ayna Xukumada dalka maamusha ee uu hogaanka u hayaan Xisbiga UDUB, Madaxweynaha iyo M/Xigeen ayna mar kaliye qorsheysan inay Doorashada maalin kaliya dib u dhigaan, balse ay Diyaar u yihiin wixii kaga aadan hawl galka Doorashada, iyaga oo si aan hagrasho lahayn uga shaqeynayaan sidii Doorashooyinkii hore oo kale.


Waxaynu wada ognahay in Xukuumadani iyo Xisbigeeda UDUB ay yihiin kuwii dalka ka hirgaliyey Dimuqraadiyada maanta Somaliland ka jirta, iyaga oo marar badan Gudoomiyaha iyo G/Xigeenka UDUB ku celceliyey in doorashadu wakhtigeeda dhacayso, ayna diyaar u yihiin IN LA ISKU HAMBALYEEYO CIDII HESHA DOORASHADA EE ILAAHAY U CALFO, HAMBALYADAASI OO AYNAAN MAR KALIYA XAGGA KULMIYE KA MAQAL.


2. Xisbiga UDUB Waxa talo ahaan ugu soo Xisbiga KULMIYE inuu ka waantoobo, kana xishooda dhibaatada uu Shacbiga ku hayo Gudo iyo Dibadba, taasi oo ah XAALAD ABUUR-JOOGTO AH oo mar alla marka dalka ay ka qabsoomayaan Doorashooyinba uu ku dhaqaaqo ficilo ay ku dheehan yihiin HANJABAAD IYO KHAL-KHAL ABUUR, kuwaasi oo war-war badan ku galiyo shacbiga, gaar ahaan QURBO-JOOGA, waayo Dalka hawshii doorashada waa diyaar, waxa ay maraysaa waa hawl-farsamo dhammaan Xisbiyada, Komishanka iyo Deeq-bixiyaashuna xogogaal bay u yihiin, waxa kaliya ee hadhsana waa maalintiina oo la soo cayimi doona, Iyada oo la raacayo sharcigii ka koobnaa (8) Sideeda qodob ee ay hore u wada saxeexeen Axsaabt

a iyo Komishanku lagana sharciyeeyey GOLAHAH GUURTIDA.
Maantana sida sharciga heshiiska ku qoran ayuun baa la mari, Mana jiro meel buuq laga abuuro iyo in shacbigan dhibaatada dhaqaale haysato la galiyo jaha-wareer, loona tuso in wixii ka danbeeya 29/3/09 uu Mustaqbalka umadani mugdi galayo. Markaa KULMIYE ha qadariyo XAQA Shacbigani ku leeyihiin iyo Karaamadiisaba, hana u diyaar-garoobo DOORASHO XOR IYO XALAAL AH, oo la isku Hambalyeeeyo haddii Eeba idmo, taasi oo Xisbiga UDUBna uu diyaar u yahay.


3. Xisbiga UDUB waxa uu Umadda S/landgar ahaan QURBO-JOOGA S/LAND uu ka raali galinayaanayaa in ayna ku jahawareerin wararka xaqiiqada ka fog ee ay caadeysteen mar kastaba in ay Madaxda KULMIYE Faafiyaan, arrintasi oo Qurbo-jooga dhibaato weyn ku haysa, isla markaana dhaawcaysa xiisihii ay dalka iyo Xukuumada u qabeen, ayna danaynayeen sidii ay dalkooda iyo dawladaba ay wax ula qaban lahaayeen.