War-Saxaafadeed

 

 

Date:Mar 10, 2011

Madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu soo saaray X eer Madaxweyne oo lagu Dhaqan gelinaayo Miisaaniyad Sannadeedka 2011-ka ka dib markii ay Golaha Wakiiladu Aqlabiyad ku ansixiyeen.

Maaxweynuhu :-

Markuu Arkay: Qodobka 90-aad ee Dastuurka Jamhuriyada Somaliland.

Markuu Arkay: Qodobka 75-aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Markuu Arkay : Go'aanka Golaha Wakiilada, Go'aan Lr. GW/Kf-14/509/2011 ee ku Suntan 07/03/2011 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyada 2011_ka ee Dawladda Dhexe, Dekedda Berbera, Dakhliga Haamaha iyo Lifaaqyada Miisaaniyadda Ku lammaan.

Wuxuu Soo Saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sanadeedka 2011-ka ee Dawladda iyo

Lifaaqyada Miisaaniyada Ku Lammaan.

ALLAA MAHAD LEH


 


Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.