Warsaxaafadeed
 

 


 

Hargeisa (TNN)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa umagaacay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Mudane Cismaan Sh Cabdi Sh Maxamed ka dib markii uu Dhawaan ku geeriyooday magaalada Maka Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Marxuum Qaasim Sh.Yuusuf.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu udhign aa sedan:


Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Siciid  C adaani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sidan “Madaxweynaha JSL Mudane  Daah ir Rayaale Kaahin isagoo tixraacaya qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana tixgalinaaya ahmiyada weyn ee Wasaaradda  Macdan ta iyo Biyuhu ay u leedahay dhismaha Qaranka, waxa uu u magacaabay Mudane Cismaan Sh Cabdi Sh Maxamed in uu noqdo wasiirka cusub ee wasaaraddaasi.


Madaxweynuhu isagoo isla markaana tixgalinaaya kartida shaqo iyo hufnaanta uu leeyahay mudane Cismaan Sh Cabdi, waxa uu ku amray in laga bilaabo  maa nta oo taariikhdu tahay 13/12/2009 uu la wareego xilkii wasaaradda Macdanta iyo Biyaha isaga oo bedeli doona wasiirkii hore ee geeriyooday Marxuum Qaasim Sh Yuusuf Ilaahay ha u naxariisto”.
 

 


Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Timacade News Network
Hargeisa Somaliland
timacadenews@hotmail.com