WARSAXAAFADEEDKA BILAHA AH EE XISBIGA UCID
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفه
___________________________
Date, June 8, 2009
Ujeedo: War-Saxafadeed
Sida lawada ogyahay, Wuxuu Xisbiga UCID bilkasta dhamaadkeeda. uu
caado ka dhigtay in uu u soo bandhigo shacibga JSL xaaladaha ama
duruufaha dalka ka taagan, kuna wajahan Arrimaha, dhaqaalaha,
siyaasadda, nabadgelyada, addeega bulshada gaar ahaan duruufaha
Qalafsan ee ku xeeran nolosha dadka iyo duunyada ee xilligan iyo
aragtidiisa talo bixineed.
Qiimeynta, xoggahaas oo inta badan xisbigu ka soo qaato warbixinaha,
kulan bileedyada 15-ka iyo 30-ka bil walba, ay yeeshaan guddida
fulinta iyo xubnaha G/dhexe oo bishan uu weheliyo warbixinaha ay soo
gudbiyeen masuuliyiinta kormeerka xisbiga ugu kicitimay gobolada iyo
degmooyinka dalka.
Qodobada War-Saxafadeed Xisbigu ka hadlayo waa:-
· Waxaa dalka ka taagan Abaaro baahsan oo galaafatay dad iyo
duunyaba oo ilaa hadda aanay uga hadal si waafi ah xukuumadii uu
xilku ka saarnaa. Waxaa iyana dalka miyi iyo magaalaba ka taagan
biyo la’aan, dadkii oo ku soo qulqulayaan magaalooyinka qorshe ka
soo horeeyaana aanu jirin
· Waxaa sii xoogeysanaaya shaqo la’aantii jirtay kuna biirtay adeeg
la’aan ka jirta xafiisyadii xukuumada oon wax shaqo ahi ka socon,
taasoo inta badan sabab looga dhigo mushaharkii koobnaa oo sida la
xaqiijinayo saddex bilood aanay qaadan Haya’daha badankoodu, waa tu
ku dhereran dhaqaale burbur xoogan. Kadib markii uu lumay qaabkii,
nidaamkii shaqo, musuq maasuqna hadheeyey, lana wayey kaantarool,
daba gal iyo xisaabtan la’aan.
· Nasiib daro, waxaa loo gudbay boobka hantida maguurtada ah oo si
bilaa xad ah oo shuruucda dalka baal marsan, iibintooda loo-galo,
lacagtiina aan la aqoon meel ay ku dhacday.
Waxaa kuwaas ka sii daran hoos u dhaca ganacsiga, dhoofka xoolaha
laga wareejiyay dekeda Berbera waxay la mid tahay dalkii oo dhuunta
lagu dhuftay, waxaanan mar labaad soo jeedinaynaa in guddi G/Wakiilada
loo saaro sababta keentay cayn-wareegaas dhaqaalaha qaranka loo
geeystay, qaali garowga maceeshada iyo daruuriyaadka kale, oo halkii
laga jabin lahaa lagu sii culeysiyey danyarta macaashal-maacshkii
ganacsatada ku waajibay oo nidaam ahaan lid ku ah xeerka cashuuraha
toosan.
· Waxaa nasiib daro ah xukuumadda dhibaatooyinkaas xalintooda ka
daneysatay, ayadoo horeba ku tumatay shuruucdii iyo xeerarkii dalku
uu lahaa, horseedna u noqotay, caddaalad darro xooggan, isla
markaasna ku guul dareysatay wax ka gabashadii kaabayaasha
dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo istiraatijiyada la’aanta shaqo
abuurista, tahriibka dhalinyarada sida xaddhaafka ah u baxaaya
tusaale, Dugsi afar boqol (400)oo arday ku jirtay ayaa waxa
dahriibtay boqol iyo todoba (107) Arday. (Walaalayaal ha Tahriibina
UDUB way Tegaysaa).
· Waxaa wax lala yaabo ah xisbul-xakimka, xukuumadiisii tahli kari
weyday, wax ka qabashada amuuraha kor ku sheegan, isla markaasna
awoodi kariwayday doorasho xiligeedii qabsoonta dimuquradiyadiina ku
badashay muddo kordhin himilooyinkii laga lahaa doorashooyinka jarka
ka tuurtay, deeq-bixiyaashiina niyad-jab ku riday iyaba waa mucjiso
eh ayaa hadana olole doorashe u soo tafaxaydatay, waxqabadka ay ku
faantaana noqtay xaflad qabasho shaqsiyaad (dadweynuhu ula baxay
waji ku macaash) ama ururo been abuur ah oo ay ku sheegato in ay ka
soo baxeen xisbiyada mucaridka, gaar ahaan xisbiga UCID taasna
waxaan leenahay “nin daad qaaday xumbo cuskay”.
Xisbi ahaan waxaan aad iyo aad uga xunahay Qaylada ka soo yeedhaysa
fanaaniinta Qaranka ee milgaha iyo sharafta inaga mudan, waa taa
xaqoodii siin karwayday waxayna qayladaasi ka turjumaysaa tamar
la’aanta Xukuumadda iyo heerka musuq-maasuqu gaadhsiisanyahay.
· Socdaalka Madaxweynaha waa waajib saaran in uu kormeero gobolada
iyo degmooyinka Dalka, laakin kormeerka Madaxweyne Reyaale ee lix(6)
sanno ka bacdi waxay la midtahay “Ciyi waa ka baryay”, Kormeerka
Madaxweynaha ee olalaysan wakhtigeediina la joogin muxuu se u
kordhinayaa dadweynaha maanta ku jira xaaladda adag ee gurmadka u
baahan, maxay se balanqaadyadan cusubi soo kordhinayaan “Timirtii
Horaba Dabloowaaye”.
Waxaanu ku soo gunaanadaynaa war-saxafadeed sida aanu horaba ugu
sheegnay baaqayagii aanu u dirnay bulshada caalamka ee qeexayey
dhibaatooyinka dalka ka taagan sida ilawga bulshada caalamku u
ilawday Somaliland in ay wax kala qabato dhibaatooyinka ka jira
dalka sida abaaraha, biyo la’aan, shaqo la’aanta, wado la’aan,
horamarinta adeegyada bulshada iyo Ictiraafka kaas oo suurta gelinay
in ay Somaliland iyadu wax badan qabsan karto haddii la helo
gudoonka bulshada caalamka.
Sidaas darteed haddii aanu nahay Xisbiga UCID waxanu balan qaadaynaa
in aan la imaan doono Barnaamijyadii lagaga bixi lahaa
dhibaatooyinka dalka ka taagan oo xambaarsan isbedel caddaalad ku
dhisan Haddi Alle Idmo
Ugu dambeyna waaxan shacbiga ugu baaqaynaa talo saarashada Eebe,
baryadiisana badsanaa goor kasta iyo xili kastaaba.
Alla Mahad Leh
Md Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)
Afhayeenka Xisbiga UCID
|