WARSAXAAFADEED XISBIGA UCID

Shir deg deg ah oo aay maanta
galinkii danbe ay isugu yimaadeen xubn aha gudida fulinta ee
xisbiga cadalada iyo daryeelka UCID waxay kaga d oodeen oo ay
wax iska waydiiyeen xaalada dalku maraayo maanta gaar ahaan
komishanka doorashooyinka qarankaSida aynu lawada socona w axa
maalmihii ugu danbeeyay lagu mashquulsanaa sidii loo soo
magacaa bi lahaa komishanka doorashooyinka qaranka ka dib markii ay
is casileen xubnihii gudida doorashooyinka ee hore.
Waxay Gudida Fulinta ee Xisbiga UCID dood iyo falanqayn dheer ka dib
ay isla qaateen oo ay isku raaceen in uu noqdo xubinta xisbiga ucid
uga qayb galaysa gudida doorashooyinka qaranka ee soomaliland in uu
noq do ,ENG,ABDIFATAX IBRAAHIM XASSAN ,in uu noqdo xubinta cusub ee
xisbiga ucid uga qayb galaaya gudida doorashooyinka qaranka .
Hadaba xisbiga UCID waxa uu xubintiisan cusub ee kor ku xusan ee uu
u magacaabay ka mid noqoshada xubnaha cusub ee gudida
doorashooy inka qaranka ee la filaayo in sida ugu dhakhsaha badan
loo soo magaca abo dhinacyada ay arintani khusayso ,ku xusheen
,aqoontiisa oo ah heer jaamacadeed oo master ah iyo
daacadnimo,kartininimo,dhexdhaaxnimo iyo hawsha qaranka ee sugaysa
oo uu si xilkasnimo leh uu u gudan karro
Sidaasi daraadeed xisbiga ucid isaga oo eegaaya danta qaranka iyo
wa liba ahmiyada ay leedahay wakhtiga oo cidhiidhi ah oo maalintii
kasta ee dib u dhacdaa ay dhibteeda leedahay iyo muran danbe oo
macnno darro ah iyo buuq wadankani mar danbe gallo in aanay xagoda
xisbi ahaan aa nay waxba ku hamsaamin magcawga xubinta xisbiga
uga qaybgalaysa guddidan doorashooyinka qarran ka .
Wabbilaahi tawfiiq
Xoghayaha warfaafinta iyo saxaafadda ee xisbiga ucid
md.cabdinaasir yuusuf cismaan (qodax)
|