UJEEDDO: MAWQIFKA
XISBIGA KULMIYE EE XILLIGA DOORASHADA IYO DHAMMAADKA
XILKA MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKIISA

Jamhuuriyadda Somaliland waa
Dawlad Dimuqraadi ah oo ku dhisan Distoor loo qaaday Afti Dadweyne.
Distoorkaasi wuxuu ku saleysan yahay mabda’a aasaasiga ah ee uu
saldhig u yahay ku dhaqanka sharcig (Rule of law).
Nidaamka Siyaasadeed ee Dalka waxa saldhig u ah talo-wadaag iyo
hannaanka Xisbiyada badan. Awooda xilka Madaxtooyadu wuxuu ku imaan
karaa hanaanka sharcigu banaynaayo oo keliya oo ah Doorasho guud ,
shantii sannaba mar.
Waa waajibaadka Distooriga ah ee Madaxweynaha Xilka haya iyo
xukuumadiisa inay qaban-qaabiyaan, isla markaana xaqiijiyaan inay
Doorashadu ku dhacdo xilligeedii iyo habkii loogu talo galay
(Article 83/2)
Distoorku (Article 42/3 iyo 83/5) wuxuu cudurdaar u yeelayaa oo
keliya inay Doorasho did-u-dhici karto haddii ay yimaadaan duruufo
adag dartood sida, dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo
dabiici ah oo culus, sida dhul-gariir, cudurada faafa, iyo abaaro
culus”.
Sida la wada ogsoon yahay, waxa dhammaaday muddadii 5-ta sanno ahayd
ee xilka loo doortay Madaxweyne Rayaale, waxaana dib-udhac ku yimid
(xil-gudasho la’aan awgeed ) xilligii doorashada loo qoondeeyey ee
15 April 2008, Waxayna Doorashadii dib ugu dhacday 29 march 2009,
iyadoo ay Guurtidu muddo kordhin sanad ah u sameeyeen Madaxweynaha
(in kastoo aanay muddo kordhintaasi ku imaanin duruufihii adkaa ee
uu sharcigu tilmaamay), waxayna Madaxweynaha ku waajibiyeen inuu ku
qabto Doorashada ugu dambayn 06 April 2009.
Waxa nasiib darro ah, in haddana mar kale dib u dhac ku yimid
Doorashadii oo loo qoondeeyey mar kale inay dhacdo 31 May 2009,
taasoo iyaduna ah muddo aan la hubin.
Xisbiga Kulmiye isagoo ka duulaya arrimahaas kor ku xusan, wuxuu
caddaynayaa:
1. In uu Xisbiga KULMIYE diyaar u yahay Doorasho xor oo xalaal ah oo
Sharciga waafaqsan.
2. In sida la ogsoon yahay sharciyadii xilka Madaxweyne Rayaale iyo
Madaxweyne kuxigeenkiisa waxay ku eeg-tahay 06 April 2009, sidaa
darteed KULMIYE sinaba uma ogola muddo kordhin dambe, maadaama aanay
jirin duruufihii adkaa ee uu sharcigu tilmaamay In loogu kordhin
karo.
3. Xisbiga KULMIYE wuxuu u soo jeedinaya labada Gole ee
Sharci-dejinta inay Dalka u soo dhisaan Xukuumad ku-meel-gaadh ah oo
muddo kooban Dalka ku gaadhsiisa Doorasho.
4. Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa inay ahayd sharciyan in la qabto
Doorasho inta aan Madaxweynaha xilkiisu dhammaan. Marse haddii
xilkiisii dhammaaday waxa mudnaanta leh in la dhiso xukuumad, si
aynaan ugu dhicin meel bannaan ah ( Vacum ), ka dibna Doorashada la
qabto."
Wa billaahi tawfiiq
Axmed Maxamed Siilaanyo
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
|