WAR-SAXAAFADEED XISBIGA  WADDANI




Warkaas ay qoreen Wargeyska Saxansaxo ee ku taariikhaysnaa Sabti 26 October 2013 tirsigiisa 2002 ee ciwaanka looga dhigay “ Xisbiga WADDANI Oo Ku Gacan Saydhay Shir weyne Talo Qaran Ah Oo Madashu Xisbiyada Mucaaridka Ah Tunka U Saartay” waa be en abuur cad oo lagu jaahwareerinayo bulshada somaliland.

Xisbi ahaan waanu soo dhaweynaynaa shirkaas ay nagu wareejiyeen Madasha Wada t ashigu, Xisbiguna wuu ka tashanayaa sida loo waajahayo.Labada Xisbi Mucaarid ee WA DDANI iyo UCID waxay soo saari doonaan go’aan midaysa n oo lagu waajahayo arrinta as.

Bulshada Somaliland iyo Madasha Wadatashigana waxaanu u cadaynaynaa in warkaas saxansaxo qortay yahay been abuur cad oo loola badheedhay in lagu kala dilo Madasha Wadatashiga iyo mucaaridka gaar ahaan Xisbiga WADDANI.

Waxanu bulshada leenahay ma jirto meel aanu ku diidnay ama ku gacan saydhnay shir kaas balse gacmo furan ayaanu kusoo dhaweynaynaa.


Wa Bilaahi Tawfiiq
 



Md, Axmed Muumin Seed

Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI