Warsaxaafadeed Wasaarada Arimaha Gudaha

 


Waxa heshiis kama dambeys ah laga gaadhay khilaaf u dhexeeyey beelaha Fiqi- Shini iyo Xasan Ugaas kaasoo ku saabsanaa dilkii Taliyihii Ciidanka Asluubta Gobolka Sool, marxuum Cabdi Ciise Nuur oo lagu dilay magaalada Laascaanood taariikhdu markay ahayd 31August 2010.


Iyadoo waajibaadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL u xilsaaran tahay ay ka mid yihiin  sugid da amniga iyo qaboojinta dhibaatooyinka ka dhex dhaca beelaha reer Somaliland, ayaa isla  mar kiiba waxay Wasaaradda Arrimaha Guduhu xil weyn iska saartay siddii xal nabadeed loogu  dha meyn lahaa.


labada beelood ee midna marxuumku ka dhintay midna gacantooda ku dhintay aanay colaad iyo dhibaato kale uga sii dhex aloosmi lahayn.


Haddaba 28-kii October 2010, ayaa labada beelood ee walaalaha ah waxay isku soo hor  fadhiis teen shir waan- waan nabdeed ah oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool si  lo oga wada hadlo dilkii marxuumka kor ku xusan, waxaana nasiib wanaag ah in shirkaasi ku  dham aaday guul iyo is af-garad dhex maray labada beelood ee walaalaha ah.


Labada beelood ee Fiqi Shini iyo Xassan Ugaas waxay aad ugu mahadsan yihiin dulqaadka ay  m uujiyeen intii lagu guda jiray xalinta arrintaas, waxa kale oo mahad iyo bogaadin mudan cid  kas ta oo ka qayb qaadatay xalinta iyo daminta dhacdadaas, sida odayaasha labada beelood, Ugaa syada, Waxgaradka, Xildhibaanada,Culimo –aw- diinka iyo cid kasta oo ka hawl gashay in is af-garad lagu dhameeyo dhacdadaas Waxaana guul weyn ah siddii dhaqanka Somaliland ahaan  ji ray in labada beelood ee walaalaha ah wixii kala gaadhay uu ku dhamaaday is af garad iyo  wan aag dhex maray labada beelood.

 

 



Maxamed Cismaan Dubbe
Af-Hayeenka Wasiirka Arrrimaha Gudaha