Warsaxaafadeed UCID

 

 

Jamhuuriyada Somaliland

Justice and welfare party
Xisbiga cadalaad iyo daryeelka

05/03/09

MAWQIFKA XISBIGA CADDAAlADDA IYO DARYEELKA EE (UCID) EE XAALADAHA DALKA KA ABUURMAY

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku ( UCID) ka dib markuu arkay duruufaha cusub ee dalka ka abuurmay ee la xidhiidha doorashada madaxtooyada iyo wakhtiga cusub ee loo qoondeeyay, waxa xisbigu cadaynayaa mawqifkiisa rasmiga ah ee ku wajahan xalaadahaasdaas:

1: Xisbiga UCID waxa uu rumaysanahay in ay doorasho xor iyo xalaal ahi ka qabsoonto JSL.

2. Xisbiga UCID isaga oo tixgelinaya danta guud ee qaranka, nabadgalyada, geedisocodka dimuqraadiyadda, dedaalka deeqbixiyayaasha, wuxuu aqbalay wakhtiga cusub ee loo qoondeeyay inay doorashadu ku qabsoonto.

3. Xisbiga UCID waxa uu aaminsanahay in xukuumada UDUB ee hadda jirta wakhtigeedu ku egyahay 6/04/09, wixii intaas ka danbeeyana aanay haysan wax sharciyad ah .

4. Xisbiga UCID waxa uu rumaysan yahay in xukuumaddu jabisay qodobkii tiir dhexaadka u ahaa heshiiskii saddexda xisbi qaran hore u wada gaadheen kaas oo lagaga maarmay in la sameeyo dawlad dhexdhexaad ah ( caretaking government) oo dalka hogaamisa ilaa inta doorashada madaxtooyadu qabsoomayso oo ahaa in la dhiso guddi joogto ah ( standing committee) sagaal xubnood ka koobnaa oo heer sare ah ( highy profile) markii ay dhamaatay mudadii madaxweynaha 15 may 2008.

Hawlaha ay qaban lahaayen Gudidda joogtada ahi waxaa ka mid ahaa :

(a) in aan xukuumadda iyo xisbiga UDUB aanay ku takrifalin hantida qaranka una adeegsan ololaha doorashada.
(b) in loo sinaado warbaahinta qaranka, fursadna la siiyo Axsaabta qaranku ay kusoo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed iyagoo isticmaalaya warbaahinta qaranka.
(c) Inay xaliyaan wixii khilaafaad iyo dhibaatooyin ah ee soo baxa xiliga doorashooyinka

Waxa kale oo heshiiskaas ka mid ahaa in Madaxweynaha JSL Dikreeto Madaxweyne ku soo saaro saxeexa heshiiska ka dib si gudiidda joogtada ahi u hawl galaan taas oon madaxweynuhu fulin ilaa hadda .

4. Si looga baxo marxaladdan adag, waxa xisbiga cadaalada iyo daryeelka (UCID) u soo jeeedinayaa saddexda xisbi qaran iyo shirgudoonka labada Gole isugu yimaadaan fadhi wadatashi oo deg deg ah si looga gudbo marxaladan adag.

Ugu dambeyntii waxa Xisbiga UCID ka digayaa cawaaqib xumadda ay keeni karto carqalad iyo dib u dhac dambe oo ku yimaadda doorashada madaxtooyada JSL oo mar horena dib u dhacday.


Allaa Mahad leh,
 

 


Md Maxamed Bashe

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID