WAR-SAXAAFADEED

 



Marka hore waxaan u mahadnaqaynaa ALLAHA AWOODA BADAN SWTC ee noo suurta g aliyey in manta aan halkan ku soo gudbino maqaalkan.

Marka xiga waxaan hambalyo u soo gudbinaynaa bahda saxaafada, ee hadh& habeyn he eganka ugu jirta in ay bulshada u soo gudbiso wararka dalka gudihiisa iyo kuwa caalamka ba, isla markaana suurto gelisa in bulshadu is weydaarsato afkaarta iyo aragtiyaha kala duwan ee ay kolba kaga dareen bixinayaan hadba dhacdooyinka hareerahooda ka dhaca ya iyo xaaladaha kala duwan ee kolba lagu sugan yahey, saxaafada waxaanu leenahey ha ka caajisina hawsha culus ee aad qarankiina iyo bulshadiina u haysaan abaalkana wey din heli isagoo wanaaga ,taariikhduna wey idinku sunti bogageeda qaaliga markaad waaji bkiina si sax ah u gudataan daacadnimona ummada ugu shaqeysaan waanad ku mahadsa n tihiin waajibaadkiina aad sida wacan u gudataan hadyo jeer.


Waxaa marag ma doon ah tan iyo isbadalkii labada xukuumadoood UDUB & Kulmiye, beesh a deegaanka Saaxil in aney ka bixin cadaadis iyo mashquul siyaasadeed oo daba dheeraa dey, iyadoo xukuumada kulmiye sas weyn ay ka qaadey shir ay beeshu ku qabsatey deeg aanka Sheekh tuulada Dubur kaas oo ay beeshu kaga tashaneysey arrimaheeda dhaqan & hore umarinta beesha, waxaana ka soo qayb galey masuuliyiinta qaranka kaga jira Bee sha sida xildhibaanada intoodii badneyd, wasiirka,agaasimayaal iyadoo wasiirkii daakhiliga ee xiligaa md Maxamed Nuur Caraale Duur uu ciidankii booliska ee amniga madasha ilaali nayey isagu soo direy madaxweynahana ay ka wada socdeenm go'aamadii ka soo baxey na wax mud daro ah umey laheyn qaranka Soomaaliland ilaa waqtigaa waxey tamar bad an & dhaqaale badan xukuumadu gelisey, sidey u kala faquuqi laheyd qoqobna ugu ridi la heyd beesha koowaad ee gobolka saaxil, waxaana go/aankeedii noqdey iney ka go'doo miso ka qaybgalkii talada qaranka doorkey beeshu ku laheyd. Iyo taladii deegaanka ilaah ey dhigeyba,waxaana tusaale cad u soo qaadaneynaa faro gelintii doorashadii golaha de egaanka Berbera ee maydhaanka sida cad loogu sameeyey dhacdadaas oo aheyd midaan sharciga meelna ka soo galeyn oo xaaraan aheyd.


Waxaynu iyana soo qaadan karnaa maalintii codeynta doorashada deegaanka degmada Berbera oo ay beriberi isu rogtey Dimishiq wixii ka dhaceyna aanu aheyn codeyn ee uu ahaa Dagaal Badheedha,dad rayida oon waxba galabsanina ay ku dhaawacmeen qaarko odna manta naafoba u yihiin oo ku laxaad waayeen. islamarkaana lagaga gayaxo marey fursad waxaa dhacey lagu furdaamiyo, waxaa marxaladaahaa kala duwan kadib dhacdey,
in lagu soo khatimo in la ga'aansado in la isku dayo in la dilo mid kamida xildhibaanadii dad ku soo doortey ooa h xildhibaanka ugu qaalisan golaha wakiilada ee aan marnaba ka leex leexan waajibkii loo soo doortey.

Intaa kadib waxaanu caawa halkan hambalyo & mahadnaq aan la soo koobi Karin uga soo jeedinaynaa Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo aanu ku hambalyeynayno go"aankii geesinimada lahaa ee uu ka qaatey, isku deygii dil ee foosha xumaa ee RABBI SWTC awoo diisa kaga badbaadiyey isagaa mahadlehe, xildhibaanku waxa uu qaatey go"aan adag oo waqti xaadirkan dadka in yari uun qaadan karto, wuxuu muujiyey masuuliyadii iyo xilkii uu qaranka & ummada u hayey, wuxuu kala badbaadiyey, bulshadii soo dootatey, reerkii uu ka soo jeediey, & kooxdii falkan foosha xun ku kacdey, oo runtii sida xaqiiqadu aheyd aan marnaba badbaadeen, saacadii sharci wax ka qabta la waayey, kiiskan oo sida la wada o gsoon yahey baadhis dhameystey, intii ku eedeysneyd & inkale oo badan oo baadhistu soo saartey, oon tiradoodu yareynba si cad baadhistu u cadeysey , baadhistan oo laga sameeyey dhinacyo kala duwan, hase yeeshee ay hay'adihii qaranka ee u xilsaarnaa mar key soo dhameystireen ay suurto geli weydey, in dadka falkaa foosha xun ku kacey la ho rkeeno garsoorka, muddo lix bilood ahna geesnaba u daqaaqi waayey, ee xaaladu halkaa mareyso ayuu Xildhibaanku Go'aan geesinimo leh qaatey, oo uu ku kala badbaadiniyo bu lshada uu masuuliyada culus u hayey, xildhibaanku wuxuu ka hortegey Fidmo balaadhan oo qaranka saameeyn culus ku yeelan laheyd, wuxuu ka hortegey dhiig daata, wuxuu ba d baadiyey oo uu ILLAHEY ku ilhaamiyey Qarannimadii JSL, oo arinkaasi halis gelin lahaa wuxuu ka hortegey mushkilad aan si yar u danteen oo bulshada soo foodsaartey, maan ta waxa cadaatey in Maxamed Faarax Qabile uu yahey halyey qaran, lexe jeclo qran & mid Bulshona ay ku dhantahey, xildhibaanka waxaa dhibtan foosha xumi ka soo gaadhey
waajibkii iyo masuuliyadii qaran ee uu ummada u hayey waanu ka soo baxey.

Dhacdadanina ma noqon doonto mid wax ka bedelaysa mawqifkiisii siyaasadeed waajibka saran gudashadiisana kama leexin doonto. Waxaan aad & aad uga xunahey, in iyadoo Xil dhi baanku waxaas oo wanaaga ka taliyey, go'aankaa geesi uun uu karo uu qaatey, in ha dana dhibaato kale loogu daro, oo wax aanu geyin, & xajiin la marmariyo, oo abaalkiisa la ga dhigo lacag baa la siiyey, cali xoor xoorbaa inuu sidan yeelo suurto galiyey iyo ereyo la mid ah, looga dhigo abaal, waa abaal gad, waa nacasnimo, waa aragti gaaban oo ka so o baxdey garasho daciif ah oo xumaan ka talisa, waa baadil aan geedna loogu soo gabba n, oo xumaan loogu badheedhayo, waa rabitaan lagu doonayo in alla inta xummaan xild hibaanku ka hortegay, waa gef cad oo lagula kacayo denbina lagaga gelayo masuulkan isna lagu soo ladhayo ee laleeyahey waxbuu dembabasayaa, (Maareeyaha Dekeda) Eng Cali Xoor-Xoor, waa gef guud ahaan laga galey bulshada gobolka saaxil, mana aha mid k ali ahaan ugu kooban xildhibaanka dadka wax yaabaha noocana ku soo bandhigey Websi teyada waxa laga rabaa in ay waxaa ay sheegeen meel saaraan oo aan cadeynteeda, la ga waayin waxaan u sheegaynaa hadii ay soo cadeyn waayaan in waxa ay ku kaceen ay ka sii fool xun tahey, foolxumadii kooxdan uu xildhibaanku Saamaxey ay ku kaceen, lagag ana hadhi mayo qoladan dambe. EEBE SWTC waxa uu yidhi: AL FITNATU ASHADU MINAL Q ATLI. !! RAsuulkeenii Muxamadna SCW waxa uu yidhi: fidmadu wey hurudaa Nacdalina kor kiisa ha ku soo degto cidda kicisa.

Waxa cad dadkaa aragtidaa raqiiska ah ee samaha ka fog faafinaya, & inta la fikirka ah ee aan is cadeynin laakiin waxaa & wax lamid ah ay ka dhaadhacsantahey in ay yihiin dad xumaan raadinaya oo aan samaantu deeqayn, dad wanaagu cudur u yahey, dad xigaalka kala fogaynaya, dad bulshada xiqdi & buqdi dhex dhigaya, dad aan RABBI SWTC KaSeyn, oon garaneyn in ka wax dhameeyaa ALLEH SWTC uu yahey, waxaa ku shaqeysanaya Iblii s, Waar RABBI ka cabsada oo u Tawbad celiya waa shaqo ibliis waxa aad ka shaqyneysaa ne waxaanu leenahey Qoladaa hadimo taliska & Sharka ku hawlan: DAD CADAAB KA BAQ AYAA, MA FALAAN CAMALKA QAARKIISE, CAWDUYO BILEE MIYAA, RABI LAGA CABSOOD O.

Sida lawada ogsoonyahey libgadku ma fiicna, xumaantana cidii talisaa wey u aydaa, xaq iyo baadilna waa kala cad yahey cidwalibana waxey shaqeysato shar iyo kheyr Rabbi wu u ka abaal marinayaa, qof wanaag ka shaqeeyay maaha in wanaaga uu qabtey la is ku da yo in xumo loo rogo sida tan xildhibaanka ee aan kor kaga soo hadaley oo kale. Waxa la yidhi waxba yaanu xoolo I siin, xeerkeyna I marine, xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaab, xildhibaanka ha laga daayo lib gadka, waxad sheegaysaana ALLEH wuu ka Bari Yeeley lagumana soo xaman tan iyo intii uu golaha wakiilada ka mid ahaa.

Sidoo kale Maareeyaha dekeda ee la leeyahey lacag buu siiyey xildhibaanka, isgana ha la joojiyo denbiga iyo fool xumada lagula kacayo ama dee soo cadeeya oo umada u soo ban dhiga waxan aad sheegaysaan maragu ha idiin dhacee ogaada waana denbi cad iyo dulmi
foolxun oo aad ka gasheen labadaa masuul ee foolxumada aad kula wareegaysaan, qarsn ka Soomaaliland iyo xukuumada waxaan u sheegeynaa xildhibaanku inuu ka dulqaadey ar rin culus oo dalka khalkhal gelinaya, hadaba hadii uu xildhibaanku sidaa yeelay, waxaanu xukuumada u sheegaynaaoonu leenahey hadii tii hore idin seegtey oo xildhibaanku,sama ha intaa le'eg ka taliyey, tan danbe yey ku seegine foolxumadii hore iyo guuldaradii dha cdey kuwii sameeyey waxaa ka xun oo ka daran kuwan imika fidmada toosinaya ee wax halaga qabto. Si adagna sharciga ha loo horgeeyo, waana dad qaranka iyo ummada duul aan ku ah.


Ugu dambeyntii hadaanu nahey dhalinyarada beesha xildhibaanku ka soo jeedoee gobala da saaxil, togdheer & maroodi jeex, waxaanu ilmug leh ku eegaynaa

1. cidkasta oo isku deyda in wanaaga dhacey ee rabbi xildhibaanka ku ilhaamiyey doonta iney xumaan ka daba keento

2. waxaa sidoo kale fiiro gaara siinaynaa habdhaqanka xukuumada eek u aadan beesha koowaad ee gobolka Saaxil

3. waxaanu hambalyo aan la soo koobi Karin halkan u marinaynaa Golha Wakiilada JSL & Gudoomiyahooda siduu xilka isaga saarey dhacdadan foosha xumeyd.

4. Xisbiyada Qaranka JSL & Bulsho weynta JSL ee gudaha & dibada dalka jsl ku nool ee si da niyadsamida ahdareenkooda uga muujiyey foolxumadada dhacdadani laheyd.

Xildhibaan Maxamed Faarax waxaan ILAAHEY uga Baryeynaa in ajar iyo Xasaanaad toba n laaban if & Aakhiroba ka siiyo , waxaanu sidoo kale halkan hambalyo & mahadnaq uga soo jeedinaynaa Beesha xildhibaanku ka soo jeedo oo iyana taageero kal iyo lab ah ku b arbar istaagtey go'aanka xildhibaanka. Iyagana waxaa illaahey uga baryeynaa in samah aa ayy babar istaageen kheyrkiisa RABBI Xasaanaad ka siiyo. Waxaanu kaga baxaynaa qormadan annagoo ah dadka magacyadoodu hoos ku xusan yihiin erayada.

Garabkaaga lama dilo
Godka looma qariyo
Adaa geli hortiiye
Xaqood gacanta haysaa
ILLAAH kugu gargaaraa.

WA BILLAAHI TAWFIIQ


1. Mustafe Xassan Cismaan
2. Cabdirashiib Ibraahim Qaasim
3. C/Fataax Siciid Muuse
4. Mukhtaar Cabdi Faarax
5. Faysal Mahdi Axmed
6. Cabdi Xirsi Axmed
7. Cabdale Jaamac Guuleed
8. Ciise Maxamed Cilmi
9. Suldaan Nuur Jaamac Guuleed
10. Maxamed Cabdi Bile
11. Xusseen Maxamed Dhalac
12. C?Risaaq Ibraahim Xirsi
13. Maxamed Ibraahim Xirsi
14. Cali Daahir Aaden
15. Kheyre Daahir Aw Aaden
16. Khadar Jaamac Muuse
17. Maxamed Kaariye Muuse
18. Aaden C/Kariim X Yuusuf
19. Cawil Cali Sugule
20. Axmed Muumin Ayaanle
21. Haybe Saleebaan Garas
22. Nuur Cali Jagac
23. Axmed Siciid Muuse
24. Axmed Xamse Daahir
25. Sacad Maxamed Faarax
26. Mustafe Maxamed Faarax
27. Cabdi Cismaan Maxamuud
28. Cismaan Cali Axmed
29. Saynab Yuusuf Ibraahim
30. Amaal Maxamed Faarax
31. Ashwaaq Maxamed Faarax
32. Amiira Maxamed Faarax
33. Faadumo Siciid Muuse