Warsaxaafadeed

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maant qariga madaxtooyadda ku qaabilay wafti ka socda laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca caafimaadka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (WHO).


Waftigaas oo uu hogaaminayey Dr Eric Larocha kuxigeenka agaasimaha guud ee laanta (WHO) oo xarunteedu ay tahay magaaladda Geneva, waxana ay  Somalila nd ku yimaadeen booqasho gaaban.


Madaxweynuhu waxa uu weftigaasi kala hadlay arrimo dhawr dhican taabanaya oo ku saabsan baahida xaga caafimaadka ee Somaliland, waxana  madaxweynu hu carrabka ku dhuftay in Somaliland ay soo galaan daawooyin badan oo  wakhti goodu dhacay iyo kuwo kale oo tayadoodu anay fiicnayn, kuwaasi oo ka  yimaa da waddamada dibadda, halis weyna ku haya caafimaadka dadka reer  Somalil and.

Sidaa awgeedna waxa madaxweynuhu ka codsaday laantaasi (WHO) in ay dalka ka samayso shaybaadho lagu xakameeyo daawooyinka halista ku haya  caafima adka dadweynaha.

Dr Eric Larocha oo isna kulankaas hadal kooban ka soo jeediyey waxa uu  sheeg ay inaanay ahayn booqashadii ugu horeysay ee uu Somaliland ku yimaado, ink asta oo imika loo magacaabay xil ka sii sareeya kii hore uu u hayey.
Dr Eric Larocha waxa uu ka dhawaajiyey in laga furi doono Somaliland  shaybaad ho xaga cuntada iyo dawaooyinka ah, waxana uu sheegay in shaybaadhadaasi ay ka shaqayn doonaan dad reer Somaliland ah oo aqoon u leh, iyada oo kooxdii ugu horeysay oo lix qof ah lagu soo tababari doono dalka Kiiniya.

Waxana uu sheegay in shaybaadhadaasi ay noqon doonaan kuwo wax weyn ka tari doona ilaalinta caafimaadka dadweynaha haddii ay noqon lahayd xaga  cuna da iyo daawooyinkaba, isla markaana waxa u sheegay Dr Eric in iyana uu u kuur gali doono baahiyaha dhinaca caafimaadka caruurta iyo haweenka isaga oo la kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka ee JSL.

Kulankaas waftiga (WHO) saaka ay la yeesheen Madaxweynaha waxa kale oo goob joog ka ahaa haweenayda madaxda ka ah xafiiska (WHO) u qaabilsana Somaliland/Somalia Dr Marthe M. Everard, Wasiirka caafimaadka Cabdi Haybe iyo haweenayda madaxda ka ah xafiiska (WHO) ee Somaliland Marwo Aasiya Cusmaan Axmed.
 

 


Allaa Mahad Leh
Siciid Canaadi Mooge
Afhayeenka Madxweynaha