War-saxaafadeed:

 


Hargeysa (TNN)-"Ma jirto Ururo siyaasadeed oo ay Madaxtooyada Somaliland si gaara u taag eerayso Furitaankooda sida ku soo baxday Saxaafada Qaarkeed Wararkaasi sal iyo Raatoona malaha Xukuumada way usiman yihiin ururada cusub ee hada la furayaa, sidii ay xukuumadu horeba u balan qaaday, waxaanay halkan ku beeninaysaa hadalada Mala'awaalka ah ee umma da lagu jaho-wareerinayo ee ku saabsan in xukuumadu gacansaar la leedahay Ururada qaark ood.



Waxa aan cidna ka qarsoonayn in ay xukuumadu ka soo jeedo xisbiga talada haya ee kulmiye oo aanay u baahnayn xisbi iyo urur kale oo ay ku tiirsato.

Weftigii Xukuumadda ee dhawaan tegay magaalada Burco oo aan ka mid ahaa waxa ay hawsh oodu ahayd ka qaybgalka Munaasabadda Ciid Al-Adxa oo ay bulshadooda Gobolka Tog-dheer kala qayb galeen, manay jirin cid ku lug leh hawlo ururo siyaasadeed oo ay la kulmeen ama Xaf lado ay ka qayb galeen.

Waxanan ummada uga digayaa in aanay u dheg-taagin wararka aan la hubsan ee ay baahiyee n saxaafadda qaarkood oo aan ka fiirsan hadalada waxyeeli kara Mil-gaha Saxaafu lahaan jirt ay, oo meel-ka-dhac iyo ceebayna ku ah Mas'uuliyiinta qaranka xilka u haya ummadoodana u adeegaya".
 

 


ALLAA MAHAD LEH



Bashiir Cabdi Xariir
Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasadda, Xidhiidhka
Goleyaasha iyo Dadweynaha Madaxtooyadda JSL.