War-Saxaafadeed


October 9 2010


Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) wuxuu dhambaal  Ha mbalyo ah u diray Raysal wasaaraha Ethiopia Mudane Melez Sanaawi oo uu ku Hambalyeeyey Doorashada Markale loo Doortay inuu ahaado Raysal Wasaaraha Waddanka Ethiopia.

Madaxweynuhu waxa uu Dhambaalkiisa ku yidhi Mudane Raysal wasaare Aniga oo la socday  S hirwaynaha Xisbiga EPRDF kuna Bogaadinaaya Sida Sharafta iyo Qiimaha leh ee uu Xisbigu  Shir ka u qabsaday waxaa aan adiga iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee aanu Jaarka nahay ku Hambalyeynayaa Doorashada laguu Doortay Xilka Culus ee Raysal wasaaraha Ethiopia.

Dhambaalka Madaxeynuhu waxa uu si Cad ugu sheegay oo uu intaasi ku daray in ay  Xukuumad a Somaliland ka go'antahay isla markaana ay halkii ka sii wadi doonto kawada Shaqaynta Nabad gelyada iyo Xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya labada wadan ee Ethiopia & Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Dhambaalkiisan ku xusay kuna amaanay Dawlada Ethiopia dadaalka  N af hurka leh ee ay ka gasho Adkaynta nabad gelyada Mandaqadda iyo Gobolkaba.

Ugu danbayna Madaxweyne AXMED MAXAMED MAXAMUUD SILAANYO waxa uu Xukuumada  Cu sub ee Raysal wasaare Meles Zanaawi u rajeeyey Guul iyo in ay mustaqbalka Badhaadhe iyo Barwaaqo gaadhsiiso Shacabka reer Ethiopia.

 

 


Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL