Warsaxaafadeed:Dahabshiil Ma Galo Hawlo Ka Baxsan Adeegga Dadweynaha

 

Waxa dhowaanahan lagu daabacayey website’yada internet’ka qaarkii warar aan sal iyo raad toonna lahayn oo lala xidhiidhinayo magaca shirkadda, kana baxsan hawlmaalmeedkeeda caadiga ah, sidaa waxa sheegay sarkaal sare oo shirkadda Dahabshiil ka tirsan. Wararkan been abuurka ah, ayuu yidhi, waxa badiba abaabula
budhcad-mareegeed (Internet pirates) ka leh ujeeddooyin iyaga ku gaar ah oo lagu waxyeellaynayo magaca, sharafta shirkadda iyo guud ahaanba bulshada la leh adeegga sokeeye iyo macaamilka shirkadda.

”Shirkadda Dahabshiil ma aha mid looga bartay falal lagu kala qaybinayo ama fadqalalo lagu kala gelinayo bulshaweynta ay u adeegto; ma aha, mana ma noqon doonto mid loogu soo hagaago wax ka baxsan hawl-maalmeedkeeda ganacsi,” ayuu yidhi Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil, Mne Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Maamuluha Shirkadda Dahabshiil waxa uu xusay inay halkan uga caddaynayaan dhammaan bulshaweynta shirkaddu u adeegto, warbaahinta, macaamisha, iyo dhammaan ciddii lagu tilmaamay been-abuurrada noocan ah in aan ‘Shirkadda Dahabshiil si toos ah iyo si
dadban toonna lug ugu lahayn, dooc iyo dareenna aanay u lahayn been-abuurrada lagu baahiyo magaceeda Internet’ka iwm. ‘. Shirkaddu waxay kala xidhiidhi doontaa xakamaynta been-abuurrada noocan ah dawladaha ay khusayso, ayuu yidhi, sidii tallaabo kasta oo la gudboon looga qaadi lahaa cid kasta oo caadaysata ama isku dayda ka-beeen-abuurka magaca shirkadda.

”Waxannu bulshada Soomaaliyeed iyo tan ajaanibka ah ee aannu adeegnoba aannu mar kale la socodsiineynaa in website’yada shirkadda Dahabshiil ee rasmiga ah ee macluumaadkooda ay ka mas’uul tahay ay ka yihiin www.dahabshiil.com, www.dahabshiil.org, www.dahabshiilcanada.com oo keli ah. Haddii kuwo kale soo raaci doonaan, si rasmi ah ayay shirkaddu u baahin doontaa, waxana macluumaadka
laxidhiidha laga heli doonaa website’yadan,” ayuu ku daray Mudane Cabdirashiid.

Shirkadda Dahabshiil waxay mar walba ballanqaadaysaa inay oofineyso tilmaamaha u gaarka ah ee ah Ammaano, Adeeg Hufan iyo Degdegsiinyo oo hadafkoodu ku salaysan yahay tixgelinta iyo horumarinta adeegga macaamiisha.

”Marnaba shirkaddan uma qorna, lagamana sugo wax innaba hadafkeedaas iyo hidda-samida adeeggeeda wax ka beddelaya ama wax u dhimaya,” ayuu hoosta ka xarriiqay Mudane Cabdirashiid.