WAR-SAXAAFADEED
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha
madaxeynaha Jamhu urayada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u di rayaa, Golaha Guurtida
Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaa
n Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee
MARXUUM, XILDHIBAAN. CABDILAAHI SHEEKH XASAN CISMAAN oo ku
geeriyooday Magaalada Hargeysa Maanta 16/04/2013.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Oday ka baxay
Bulshada Som aliland oo door-muhiima ka soo qaatay nabadayntii iyo
dib u heshiisiintii beelaha Somaliland ee walaalaha ah, sidoo kale
waxa uu ka mid ahaa golaha mudo dheer oo aad u qaaliya lagu na
xasuusan-doono marxuumka.
Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu
ILLAAHAY uga ba ryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo,
Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaa btii Gollayaasha qaranka iyo
Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka
siiyo.
Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyadda
Somaliland
|