WAR-SAXAAFADEED

 

 

Taariikh: 10 January 2012


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Gudoomiyeyaasha Gobolada Gabiley, Sanaag iyo Togdheer;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu ku Qancay: Inay buuxin karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagoouinkan;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Xuseen Cumar Magan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiy aha Gobolka Gabiley ee JSL.

2. In Mudane, Aaden Diiriye Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee JSL.


3. In Mudane, Cabdoo Axmed Aayer, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee JSL.


4. In Mudane, Maxamed Maxamuud Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee JSL.



Masuuliyiinta Xilalka laga qaaday:-

1. Mudane, Cali Aaden Meecaad
Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley
2. Mudane, Cali Cabdi Hurre
Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag
3. Mudane, Yaasiin Muxumed Cabdi
Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Togdheer
4. Mudane, Cabdi Daahir Xasan
Gudoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer

Madaxwynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu Badhasaabadii hore uga mahad celiyey mududii ay xilalkaas u soo hayeen qaranka,
Isla markaana Madaxweynuhu waxa uu digreetooyinkan ku amray inay masuuliyiintani xilalkaa ku wareejiyaan sida ugu dhakhsaha badan gudoomiyeyaasha cusub ee loo igmaday xilalkan inay qaranka halkaa uga siiiwadaan.
 

 


ALLAA MAHAD LEH
 


Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.